Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho kuĀ firfircoon dhan kasta oo ganacsiga ah ayaga oo sameeya ganacsiyo kala diwan waana bulsho xirfad u leh abuurida.
curinta ganacsiyo ayaga oo qdeegsanaayo aqoontooda iyo maalkooda taasina waxa ay keentay in ganacsiga Soomaaliyeed uu dalka Ka gudbo oo uu gaaray dalalka dariska ah gaar ahaan qaar ka tirsan wadamada Afrika.
Aasiya ayaga oo laga dareemaayo suuqyada caalamka hab ganacsigooda hormarada ay Ka sameeyaan taasina waxa ay keentay in ganacstada Soomaaliyeed ay noqdaan ganacsato ku hormarsan ganacsiga.
Hadaba sidaas oo ay tahay ganacstada Soomaaliyeed kuwa ganacsiga hormarkaas baaxada leh Ka sameeyey hadana waxaa jirta in ganacsatada Soomaaliyeed aysan a hayn kuwa ganacsigooda uu hormarsan yahay taasi oo laga dheehan Karo suuqayada dalka oo aad ku arkeyso ganacsiyo badan oo tira beel ah bal aan Ka muuqan ganacsi hormarsan oo leh agabkii loogu talagalay si uu oga maarmo baahi keeni karta in marwalba uu hal ganacsi haayo.
Haddaba maxay tahay sababta keenta in ganacsiga Soomaaliyeed uu u horumari la yahay.
Waxaa keena ganacsiga Soomaaliyeed in uu u hormariwaayo siyaabo badan balse waxaan doonayaa in aan ku soo koobo laba qeybood.
1.marka ugu horeysa ganacsiga Soomaaliyeed waa ganacsi intabadan shaqeeya oo kala socda balse hormar la aanta waxaa keenay in ganacsigii uu yahay mid isku mid ah oo aan waxbadan ku kala duwaneen haddii aan tusaale u soo qaato suuqayada magaalooyinka dalka marka aad eegto waxaad arkeysaa hal goob oo ay ku yalaan isbitaalo gaaraya toban isbitaal balse goobtaas kaliya ay u baahneed laba ilaa iyo sadax cusbitaal taasina waxa ay keeneysaa in suuqii ganacsiga uu hoos u dhaco islamarkaana uu noqdo ganacsigii mid hormari waayo, sidoo kale waxaad ku arkeysaa suuqayada waa weyn sida suuqa bakaaraha , islii Nairobi hal goob oo Ka furan labaatan maqaaxi taasi oo muujineyso heerka hormari la aan ee Ka jira ganacsiyada Soomaaliyeed.
- Ganacsatada Soomaaliyeed waa ganacstado intabadan waxa soo dhoofsada balse aan laheen warshada waxsoosaara islamarkaana kaga kaaftoomo in wax laga soo dhoofsado wadamada dariska ah taasina waxa ay keentay in ganacsigii uu hormari waayo oo uu noqdo ganacsiga Soomaaliyeed mid ku tiirsan dalka dibadiisa taasina waxa ay noo horseedi kartaa in dalka uu ku dhaco xaalad xun oo gaajo ah haddii dunida guud keedaka aan saaranahay uu dagaalka dhaco.
Hadaba si taasi looga baaqsado ganacstada Soomaaliyeed iyo dowladdu waxaa looga baahan yahay laba talaabo oo ah yareenta ganacsiyada is xirya kaliya halkii goob loogu talagalo in ay Ka furnaadaan laba ganacsi oo isku eh sidoo kale ganacsatada iyo dowladdu waxaa looga baahan yahay hirgalinta warshada waxsoosaara islamarkaana aan kaga kaaftoono waxyaabaha aan dibada Ka soo dhoofsano.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan