Dhaqanka soomaalida markii qof loo taag waayo oo dhan kasta laga maro waanada ugu dambeysta ah waxaa lagu soo hooriyaa hebel labo xalladood mid ha yeelo, matalan abaar iyo aaran mid ha doorto, qorrax iyoy hoos, meel qabow iyo meel kulul wax wanaagsan iyo wax xun, waa inaad mid raacdo waana hadal ay kuu soo jeediyaan xigto iyo waxgarad markii laga ohol waayo talo iyo tusaale.
Haddaba, waanada ugu dambeysta ah qofka loo soo jeediyo ileen dooga iyo quruxda lagu kari waayee inta aan laga quusan ka hor waxay loo soo jeediyaa inuu bixiyo hanti ku adag oo la weydiiyo isna diidan yahay iyo inuu tolka isaga baxo.
Haddaba sidaa iyo si la mid ah waxaa sidaas loola dhaqmaa bakhiilka xoolaha badan heysta waayo tolkii iyo bulshadii kama bixi karo xoolahiina ma dhiibi karo .
Maanta bulshada iyo dhallinyarada iyo ganacsatada waxaa horyaal labo daran mid uun doorta waxayna kala yihiin in dagaalka khawaariijta naf iyo maal ku bixisaan iyo in aad qaadataan dulliga iyo hagardaamada ay ku nool yihiin kuwa khawaariijta ku hoos nool, waayo dadka ay xoogga ku heystaan ama hoos jooga khawaariijta waxay dhaxal u helaan dullinimo iyo diin la,aan sidaas ayayna kula noolaadaan iyagoo aan juuq ka dhihi karin, waana xaalad u baahan in mid laga ahaado sidii looga soo xorreyn lahaa hubkana loo qaato.
Sidoo kale, dowladdeenna Soomaaliyeed maanta waxaa heysta culeys aad u weyn waxay kala yihiin dagaallada khawaariijta tooska ah iyo kuwa u adeegga, oo isticmaalaya xeelado iska horkeen qabiillada sida kuwa shabeellada dhexe iyo kuwa gobollada dhexe kaasoo ay fulinayaan dad heysta fikirkooda amaba ay tacbeen iyaga,
kuwaasoo isugu jira odayaal dhaqan, ugaasyo, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan garaaddada ku qaatay qaab qabiileysan oo aan soo marin biseyl iyo tababar ciidan, waana waxa keenay fashilka dagaallada iyo xasilin la’aanta nabadda
Sidaas darteed, waa in lala socdaa xaaladuhu meesha ay marayaan hadaba, nabaddu waxay u bahan tahay dagaal in loo diyaar garoobo oo dhiigga loo shubo hantina lagu bixiyo,
Sidoo kale, in Ilaahey loo baryo amni iyo barwaaqo iyo in loo adeego, loo duceeyo lagana dul qaado dadka ay weli addoonsiga ugu jira khawaariijta bahalowday soomaalina labadaas ayaa hortaalla waana labo daran mid dooro
WQ: C/salaam Axmed Gabayre