Dhimashada dadka reer Gaza oo kor u dhaaftay 8-kun

Duulaanka dhimashada badan ee Israa’iil ayaa weli ka socda Daanta Galbeed ee la haysto halkaas oo tirade dhimashada ay sii mareyso in ka badan siddeed kun oo ruux .

Boqolaal bukaan ah ayaa ku xayiran isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza oo aan jir ahaan awoodin inay u dhaqaaqaan koonfurta, madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegay.

Dadkaasi ayaa amar lagu siiyay in ay ka baxaan deegaanada woqooyiga ,gaar ahaan goobaha ku dhow cisbitaalkaasi oo la tilmaamay in agagaarkiisa ay ka socdaan duqeymo ay wadaan Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 33 baabuur oo gargaar ah ay galeen Gaza Axaddii taasoo ka dhigaysa tirada guud ee baabuurta u gudbaysa Gaza 117.

Carruur badan ayaa lagu dilay Gaza saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay marka loo eego wadarta guud ee lagu dilay iskahorimaadyada laga soo bilaabo tan iyo 2019, ayay tiri Save the Children.

Carqaladeynta sahayda gargaarka ee dadka Gaza waxay noqon kartaa dembi hoos yimaada xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, dacwad-oogaha sare ee maxkamadda ayaa sheegay mar uu booqday xadka Rafah.

Ugu yaraan 8005 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza weerarrada u dhaxeeya Xamaas iyo Osraa’iil,halka 1,400 oo qof oo Israa’iil ah ay dhinteen,kadib dagaalkii bilowday 7-dii bishaan Oktoober.