Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug kuwaas oo kala ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Hishiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay meelmariyeen Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug Iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.