๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ด๐—ฎ Ziraat Katฤฑlฤฑm ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ด๐—ฎ Oo ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, waxaana kasoo qeyb-galay masโ€™uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri โ€ Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkigaโ€

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay xaflada daah-furka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahy in Bangigii ugu horeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

โ€Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta banki caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliyaโ€ayuu yri wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ayaa isna lagi yiri โ€œBankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedbala wadaagno in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loodaahfuray Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxayqeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee udhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka goโ€™an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.