Maxay i bartay nolosha dhabta ah?
Nolosha dhabta ah waxay i bartay in jaamacad iyo iskuul aan wax ka barto ka dibna aan imtixaan galo, laakiin nolosha dhabta ah imtixaanka ayaan galnaa ka dibna markaasaan wax barannaa
Sidoo kale, Nolosha waxay i bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xikmad badan, ama dood yar ay u dhiganto bil duruusteed oo kale.
Nolosha waxay i bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan ka dib rabtaa inaad gaartid?
Waxaan bartay in ay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado diin-diin ku socda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa deero ku socota dariiqa Khaladka ah.
Waxaan bartay in furaha khasaaradu uu yahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cid kasta.
Nolosha dhabta ah waxay i bartay in camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.
Waxaan bartay in ay badan yihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yar yihiin inta ku dhaqantaa.
Nolosha dhabta ah waxay i bartay in khasaaraha aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba la tijaabin.
Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah:
a)-Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo.
Noloshu waxay i bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.
Waxaan sidoo kale, bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.
Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uu yahay: Sabirka iyo Waqtiga.
Waxaan bartay in nolosha dhabta ah lagama maarmaan tahay in qofku uu isku dayo in uu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.
Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyaynin! Nolosha dhabta ah waxay i bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada wax ay naftu rabtay.
Waxaan bartay in geedkii miro-badani uu yahay kan dadku mar-walba ay jecel yihiin.
Ugu dambeys waxaan bartay in dareenka wanaagsani uu yahay kii naftaadu ku qanacsan tahay adigoo ogsoon waxa aad samaysay in ay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba ha kugula colloobeen.
Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno in ay weyn-yihiin oo adduunka yaallo in ay nala fiican yihiin oo waxtar noo leeyihiin sidoo kale farxadda ayaa la weydiiyay halka ey deggan tahay? waxaayna ku jawaabtay waxaan degganaahay qulubta dadaka raali ku noqda wuxuu illaaheey u qoray
WQ: HIDAAYO CABADULLE