Islaamku wuxuu bilaabay barbaarinta ubadku, kolka la xulanayo hooyadiis ama aabbihiis. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (U doorta xawadiinna cirqigu waa uu dusaaye).
Xadiiska micnihiisu waxa weeye doorta qof ku habboon inay carruurtiinna hooyo u noqoto, maxaa yeelay sifooyinka waa laiska dhaxlaa oo jiilba waxa uu u gudbiyaa jiilka kale.
Haddaba ogoow gabadha aad guursanaysaa hadday tahay qof diin leh, dabeecad leh, dad wanaagsan ka dhalatay, qurux iyo ilqabatana leh, waxay markaa u badantahay carruurta ay dhalaysaa inay sideeda oo kale noqdaan.
Tilmaamaha aynu soo sheegnay waxa ugu qiimi badan diinta oo inta kale looga maarmi karaa, haddiise aad ku raacdo qurux iyo dan adduunyo ogow diinteenu madhiirrogalinin.
Waxa iyana taas lamid ah kolka aad daydayaysid kii ubadkaaga aabbe u noqon lahaa. Rasuulka suubbani (SCW) waxa uu xadiis ku leeyahay:(Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa).
Haddaba diinta islaamku waxay ubadka barbaarintooda bilowday kahor inta aan carruurtu dhalan iyadoo umaraysa waddada ugu haboon oo ah in lahelo hooyo iyo aabe xilkas ah inta aan ubad laraadinin.
Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in ubadku isla marka uu dhasho, looga addimo dhegta midig, loogana aqimo dhegta bidix, hadal barisna looga billaabo ‘Qirista jiritaanka Eebe weyne iyo rasuulkiisa scw’ Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana inta loo wanqalo oo madaxa laga xiiro, magac loo bixiyo, buuryadana laga gooyo ( la gudo).
Nolosha qofka islaamka ahi waxay kuqotantaa shareecada, kaasoo ah sharciga Islaamka Erayga shareeco wuxuu kulansanaya nolosha kaamil noqoshadeeda waana waxa ay kaga duwantahay qaanuunada ama dastuur qoraaleedka kala duwan ee caalamka lagaga dhaqmo hadda iyo kahorba.
Waxay dhamaystirtay wajiyada kala duwan ee nolosha, laga soo bilaabo heer shakhsi ilaa xuquuqda caruurta iyo qoyska.
Diiwaanka ugu sareeya ee shareecadu waa Quraanka kariimka ah kaasoo loo ictiqaadsanyahay ama larumaysanyahay inuu hadalki ama kalaamki Eebe yahay oo aan lamid ahayn hadallada adoomadiisa kaasoo xambaarsan xikmad, xukkun, taariikh iyo tusaalooyin kuhagaya cid kasta oo hannuun karaadisa.
Asmaa binti Abii-Bakar (RC) oo ahayd Caaishah (RC) walaasheed iyo xaaskii saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Subayr baan ku dhalay (Qubaa) markaas baan intaan Rasuulka (SCW) u keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo intuu calaaliyey dhanxanagga ugu tiray).
WD: Ibraahim Warsame