Xisaabiyaha guud ee dowladda oo Golaha Wasiirrada horgeeyey warbixinta sanad maaliyadeedka 2022

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka.

Akhrin iyo falanqeyn dheer ka dib golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee dowladda Mudane Anas.

Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii iyada oo wixii intaas ka dambeeyey aan la sameen wax xisaab xir ah