Muqdisho oo maanta ka furmay shirka Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hey’adaha Dowladda ee 2023, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo Muqdisho ka soconaya muddo laba maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha dowladda iyo Ururada kala duwan ee Bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu mahadceliyey Ururada Bulshada rayidka, kaalinta ay ku lahaayeen dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogashahay in la’iskaashado, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Haddii horey dowladdu u ahayd mid wax u meerisa dadka, maanta waxaa ay ogoshahay in la shirkoobo oo la is kaashado, bulshada rayidka ah waa u muhiim dowladnimada.”

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Cismaan Muxidiin Shaatax ayaa sheegay in dhankooda ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhexmarta dowladda iyo Bulshada rayidka, taas oo qeyb ka qaadan karta dhismaha dowladnimada.