Maareeyaha Hey’adda Aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka oo kulan la yeeshay Guddiga Rugta Ganacsiga

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde ayaa Xarunta hay’adda waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Gudiga Rugta ganacsiga Soomaaliya.

Maareeyaha ayaa kulankaan kula wadaagay Gudiga rugta ganacsiga Nidaamka Bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha kaasi oo dhawaan si rasmi loo bilaabi doono diwaan galinta Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka sida sharciga ah ku jooga dalkeena.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli  Timacadde ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA ay hirgalinayso nidaam loo dhan yahay si fududna lagu wada heli karo. Isaga oo xusay  in Kaarka Aqoonsigu uu wax wayn ka tari doono horumarinta dhaqalaha dalkeena.

Guddoomiyaha Rugta Gancsiga Somaaliya  Mudane Mohamoud Cabdikariim Gabayre ayaa tilmaamay inay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda Diiwaangalinta dadweynaha. Wuxuuna sheegay in  Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn ay u qabaan helitaanka Kaarka Aqoonsiga dadweynaha si nidaam sharci ah dunida ugula macaamilaan Ganacsigooda.

Kulanka markii uu soo dhammaaday kadib dhammaan xubnaha Rugta Ganacsiga ayaa ayaa si rasmi ah loo diiwaangaliyay si ay u helaan Kaarka aqoonsiga Qaranka.