Antonio Guterres oo ku baaqay Xabad joojin bini’aadannimo oo ka dhaqan gasho Qaza

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa Maanta oo Arbaca ah ku baaqay xabbad joojin bini’aadannimo oo degdeg ah, kana dhaqan gasho Qaza.

Guterres oo khudbad ka jeediyay Madasha Hindisaha Belt iyo Road ee Beijing, ayaa yiri “Waxaan ku baaqayaa xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka ba’an ee ka socda magaalada Qaza, waxaan marqaati ka nahay in halkaasi ay ka jiraan dhibaato aan indhaha laga qarsan karin”.

Xoghayaha Qaramada Midoobay, waxuu Israa’iil ugu baaqay in si degdeg ah ay u ogolaato in dadka godoonsan la gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo.