Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddada laamiga ah ee Via Moscow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka howlaha guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay waddada laamiga ah ee Via Moscow oo isku xirta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha degmada Waaberi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, dadaafadda iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horreyso waddooyinka dib loo dhisaayo.