Ma oga inuu Mas’uul yahay, mana oga in lagu aaminay, mar haddey sidaa tahay ogoow xaasid baa tahay, ogoow midaan xishoonin baa tahay, ogoow miskiin dhiiggisa dhuuqe/jaqe inaa tahay, waxaa tahay ma garte maqane jooge aan waxba miisaan lahayn.
Eraydaan waxay quseeyaan dhammaan kuwa ku xadgudbaya oo xadaya xoolaha shacabka ama dadweynaha ee Danta guud, kaasoo ay Dowladdu ku aamintay inuu gaarsiiyo Meesha u baahan kuna fuliyo si cad.
Waxay ku socdaan sidoo kale, kuwa weeciya Awaamiirta Xukuumadda ee ka eegta dantooda gaarka ah iyagoo iska dhigaya kuwo daacad ah.
Sidoo kale, Waxay ku socdaan ruux allaaliyo ruuxii damaacinaya xaqa iyo xaquuqda shacabka u leeyihiin inay noolaadaan, waana qaacin biire qaate ah kan sameeya sidaas, Waana hoojiye ummadda lagu soo diray.
waxaan leeyahay ka jooga inta aysan idin ku dhicin nacaladda, inta aysan idin arag isha soomajeesteyaasha qaranka iyo kuwa nabadda jecel.
Waxaa jira kuwo lagu magacaabo Afmiinshaar, kuwaasi waa kuwa mashquuliya Madaxda iyo Mas’uuliyiinta, waana kuwa badanaa sababta u ah in ay madaxda ka weecdaan ujeedkoodii hore ee ku dhisneyd waddaniyadda.
Musuq maasuq wadayaasha, oo ayana aan ka shar yareen ayaa daba taagan mas’uuliyiinta kuwaasoo ku qasba in ay sameeyaan caddaalad darro.
Waxaa u fiican inay Mas’uuliyiintu ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan, waayo maahan magaca mas’uul ee laguugu yeeray adiga waxaa tahay fikar ay dadka oo dhan wada fiirsanayaan, waxaana kula gudboon inaadan marna ka tegin caddaaladda.
Waxaa horay soomaali u tiri (Ileen Tuug ba waa Tuug Afmiinshaarna waa Tuug) kuwa daa’iman ku taraaraxa xadista xoolaha dadweynaha sida badan waxaa hoosta kaga jira waa Afmiinshaarka iyo kuwa ku shaqeysta musaqa maasuqa ee intaas aad ku arkeyso meel kastoo dhuuni ka jucaneyso.
War hooy qofkastoo haya xoolaha dadweynaha ama loo dhiibay mas’uuliyad, ka fogoow inaad ku dhaqanto astaamaha xun xun ee aan kor ku soo xusnay, haddaad diiddo wallee mar baad ooyi oo qarankeennu kuma cafin doono, Ilaahna kuma mooga.
Jooga oo ka waantooba Caddaalad darrida, iyo qaab darrida taalla meel walba oo haatan gabashada lahayn ee sida bareerka ama ku talagalka ah loo sameeyo wixii la doono.
Qaadashada xoolo badan oo aadan lahayn, Mar waxay kugu tahay doqonnimo, marna waxay kugu tahay dullinimo, waayo haddii aad ka fakareyso danta guud ee dalka iyo shacabka kuma aad hawooteen marna kumana dhiirateen in aad iska qaatado xaquuq kaala dhaxeyso shacab weynaha soomaaliyeed.
Waxaa mar walba loo baahan yahay in xilalka iyo darajooyinka loo bixiyaa si siman iyadoo caddaaladda lagu eegayo.
Waxaase dhibaato soo korortay ah iska xilsaarid la’aanta hantida dowladda kuwaasoo loo qaatay inaysan cidna lahayn, ma ogtahay shillin walba oo soo gala dowladda inay leeyihiin guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee uusan jirin qof gooni u qaadan kara.
Taasi marka ay dhacdo qaranka waxaa looga baahan yahay in si wadajirka ah loola dagaalo qofka sameeya noocaas oo kale.
Ma ogtahay in aan maanta dunida kaga jirno halka ugu hooseysa dhan walba haddey tahay musuqa, caddaalad darrida, waxay naga dhigeen kuwa noocaas ah in ay dunida na tiraahdo Intii Xunba Xaawaa leh.
Waxaan ugu dambeyn dowladda soomaaliyeed tan joogta iyo tan iman doontaba u sheegayaa tuuggu sidiisaba arxan malaha oo wuxuu fiiriyaa maslaxaddiisa oo keliya, wuxuuna siduu doono ugu takri falaa xoolo uusan lahayn, laakiin uu ku helay magac dowladeed ama magac mas’uuliyadeed ee dad uun ay ka dhigteen ruux u maamula hantida.
Laakiin tuuggu dhacaya hantida qaranka waa luggooyo soo taagan oo mar waliba carqalad ku ah horumarka iyo horusocka dalka iyo dadka wuxuuna mudan yahay in shan farood iyo calaacal lagu soo dhigo si uu u dhadhamiyo liin macaanta taalla xabsiyada.
WQ: Osman Dhiblaawe