Xafiiska Hantidhowrka oo Faray masuuliyiinta gacanta ku haya Baabuurta Dowladda in ay soo celiyaan

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda.

Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey habraacyadda lagula dagaalamayo musuq maasuqa sidoo kalena kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo ee Haya’addaha Dowladda.