XUSKA BISHA MOWLIID IYO WAXA AY CULIMADU KA TIRI

Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriyada waxaa qeybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada nabi Muxammad CSW, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex abuurtay culumada Islaamka oo ay ku kala qeybsan yihiin.

Marka laga eego taariikhda Miilaadiga Nabi Muxammad CSW wuxuu dhashay 22kii bishii Abriil ee sannadkii 571-kii, hase ahaatee waxay muslimiinta xuska maalintaas ku aaddiyaan bisha Mowliid.

Maanlinta ku asteysan dhalashada nabigeenna Muxamad NNKH waxaa shaqooyinka laga fasaxaa qaar badan oo ka mid ah waddamada Islaamka oo Soomaaliya ay ku jirto balse mararka qaar waxaa dhacda in aysan layku waafaqin sababo la xiriira muranada ka dhex jira culimada Islaamka ee ku kala nool dunida daafaheeda kuwaasoo sida horeyba aan usoo sheegnay ku kala duwan qaabka iyo asluubta loo xuso dhalashada suubanaha NNKH, iyadoo qaar culimada ka mid ah ay ku doodaan in ay qalad tahay u asteynta bil gaara iyo qaabka loo dhigo xuska mowliidka iyagoo ku andacooda in aysan nabiga scw uusan arinkaa sheegin uuna sameyn isla markaana uusan farin salafkii iyo saxaabadii rasuulka NNKH.

Qaar ka mid ah culimada Islaamka oo wax alga weydiiyey arrimahan la xiriira munaasabaddan iyo saameynta ay ku leedahay dunida Muslimka, sida ay sax u tahay iyo sida ay muhiim ugu tahay dadka muslimiinta ah ayaa xusay inay muhiim tahay xuska iyo xusuusinta muslimiinta meel kasta oo ay joogaan maalintaas iyo bishaas qiimaha badanĀ  ee suubanaha scw dunidan kusoo biiray, waa nicmo Alle looga mahad naqo midda ugu weyn, oo mudan in la is xasuusiyo waxaana arrintaas keenaya jacaylka ay dadka muslimiinta ah nabiga jecel yihiin, waxaana munaasabaddan si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.

Sida caadiga ah dadku wey kulmaan, waxay isugu yimaadaan meel fagaare ah, halkaas ayey nabi ammaan ku sameeyaan, dadka soo xaadirana wax ayaa la siiyaa, waxaana laga sheekeeyaa taariikhdii uu nabigu lahaa. Meelaha qaar quraan ayaa laga akhriyaa waxaana la is xasuusiyaa dhaqankii nabiga iyo waxyaabihii uu sameeyay sida dagaalladii uu diinta u soo galay.

 

Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa munaasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn. Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid muddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara bandanna uu ka jiray. Dabcan marka dib loo fiiriyo taariikhda culumadii waaweyneyd ee islaamka, dhammaantood wey soo dhaweeyeen, balse dadkaas kuwii ka dambeeyay ee hadda jooga ayaad moodaa ineysan barnaamijkan jecleysan, waxayna adeegsadaan eragya ‘bidco’ oo ay ula jeedaan inuusan nabigu waxaas sameynin.

Waxaa jira muxaadarooyin fara badan oo ay culumada islaamka ee ka soo hor jeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay umadda muslimiinta ah iney arrintan sameeyaan balse qeybo badan oo ka mid ah aqoonyahannada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalinta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday iney tahay farxad loo muujinayo imaanshihii nabiga.

Nabigu ma xusay dhalashadiisa?

Dib markii loo raacay qodobkan waxaa la ogaaday inuu sax yahay. Xadiiskii Qataata ee lagu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sababta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soomo, wuxuuna ku jawaabay iney tahay ‘maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale’. Dib markii arrintan loo sii raacay waxaa la ogaaday in nabigu qudhiisa uu si gooni ah maalinta dhalashadiisa ah u xusay.

WD: Ibrahim Warsame