Ciidanka degaanka Xinlabi oo kala wareegay khawaarijta Gaari u sida Saanad Ciidan

Geesiyaasha Deegaanka ee ka hawlgalaya Xinlabi ayaa xalay hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan gaari Khawaarijta u sida Saanad.

Ciidamadaan oo fuliyay hawlgal dhabbo gal ah ayaa gaariga kasoo qabtay meel 5 KM u jirta Deegaankaas oo ay ku suganyihiin Khawaarijtu.

Hawlgalkaan oo dhacay xalay Saqdii dhexe ayaa lagu qabtay gaariga waxaana sidoo kale Ciidamada Shacabku ay soo qabteen Darawalkii Gaariga oo isku dayay in uu baxsado.

Talaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah.

Muddooyinkii danbe waxaa ay Ciidamada deegaanku xoojiyeen hawlgallo qorshaysan oo ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Khawaarijtu taas oo muujinaysa heerka dhiiranaanta ee geesiyasha deegaanka, kuwaas oo ka faa’iidaysanaya wada shaqaynta kala dhaxaysa Shacabka iyo aqoonta ay u leeyihiin dhulka maadaama ay iyagu udhasheen kuna dhasheen Dhulka halka Maleeshiyaadka Khawaarijtu ay u badanyihiin kuwa dool ah oo aan aqoon u lahayn deegaanka dadka Shacabka ahna ay kala tageen.