Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka XFS oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxamad Diiriye oo dalka Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga oo maanta si rasmi ah ugu furmay maagalada Dar-es Salam ee dalka Tanzania.

Wasaar Khadiija Maxamad Diiriye oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda haweenka ayaa shirka ka jeedin doonta khudbad ay kaga hadleyso xaaladda Xuquuqul insaanka iyo sida dowladda Soomaaliya ay ahmiyadda u siisay wacyigalinta kahortagga gudniinka fircooniga .

Shirka waxaa sidoo kale wasiir Khadiija ku wehlisa danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania Amb. Sahra Cali Xasan.