Taliyaha Boliiska Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay shir looga hadlayay dar-dargalinta Aminga Magaalada Baydhabo

Taliyaha Booliska maamul goboleedka  Koonfur Galbeed  G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir guddoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka  kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay  iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo  Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID .

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab  ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Maleeshiyaadka Shabaab loogu xoreynayo Goballada Baay, Bokool iyo Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.