jiritaanka nooluhu wuxuu ka soo askumaa uurka hooyada, ka dibna wuxuu u soo gudbaa ifka oo uu waayo kooban joogo, ugu dambeyna goortii caleentiisu cirka ka soo dhacdo oo wadku u yimaado ayuu jiciirtaa nololaha Aakhiro ee aan dhammaadka lahayn.
Uunka Eebbe qeybtii garaad leh ee aynu inagu ka mid nahay waxay celcelis ahaan da’diisu gaadhaa 63 gu’ oo ah aynigii uu Suubanuhu ku geeriyooday “NNKh” ku geeriyooday, waxaana guudka u suran xil aan noolaha intiisa kale saarnayn, xisaab adag oo falkiisa iyo dhaqaaqiisa ifka ku qotontaahina qiyaamaha ayay ku sugaysaa.
Amminta kooban ee aynu aradka joogaynaahi waa mid qorshaysan oo dhuunigii aanu cuni laheyn, dharaar walba wixii aan samayn lahayn, dhankii aanu dhulka Eebbe kaga sugnaan lahayn, xaasas haddii aanu guursan lahayn iyo haddii aanu doobnimo iyo guumeysnimo la god gali lahayn, dhib kastoo inagu dhici lahaa, saboolnimo iyo hodannimo tii aanu ku dhaqnaan lahayn, iyo wax walboo waayeheenna aduun ku saabsan intaanu caloosha ku jirnay baa xag Illaahay laga qoray oo diiwaan aynaan waxba ka badeli Karin.
Taasi waa runta biyo kama dhibcaanka ah hayeeshee dadaalka iyo u xusul-duubista waxyaabaha danteenu ku jirto waa laynoo ogolyahay, Diinteena Islaamkuna waxay qabtaa inaanu Eebbe si dhab ah u talo saaranno, ugu yaraan waxyaabaha lama dhaafaanka ah oo uu ina farayna aanu gudanno, ka dibna aanu aanu tabcasho iyo turuq maal u tafa-xaydanno.
Xilliga dhallinyarnimada iyo caabboonaanta ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro wax qabad aayaha dambe la mahdiyo, baraaraha nolosha waayeelnimo iyo midda ubadkaagana gogol dhig u noqata oo waaya soo socda lagu caano maalo.
Haddii aynu ka soo qaadno in da’deenu 63 ku ekaan doonto 20-ka gu’ ee ugu hooreysa wixii aynu tabcannaahi waxay noqan doonaan dhigaal meel inoo yaal oo aanu 43-da gu’ee kale u baxsanno sida diinta Eebbe oo aanu u adeegno, wax-barasho aanu heer ka gaarnay, hal-abuur aanu dhaqaaqinnay, gancsi aanu sameysano oo aanu in door ah u dhabar adaygno.
Haddaba waxaa wanaagsan inaanu intaan firfircoonida iyo fayoobida Alle inoogu deeqay haysanno fadhiga ka kacno oo kasab iyo keydsasho u tafa-xaydanno oo halkii balwad iyo bilqanaan ammintu nagu dhaafi lahayd aanu maalin walboo timaadda wax cusub kororsanno, talo-saarashada iyo cuskashada Eebbene wax walboo aanu sameynayno ku salayno.
Joogitaanka ifku waa kansho dahabi ah, dharaar walboo inaga tagtaahina waa tu aan soo noqanayn oo xumaan iyo wanaag wixii aynu dhex sameyno labada diiwaan midkii mudan ku daraysa , sidaa darteeda waa inaanu saacadaha , maalmaha, iyo gu’yaasha ina soo maraya ka faa’iidaysannaa.
WQ: Abwaan Hareeri