Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arriamaha Bini’aadan-nimada

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furay Shirka madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo Xaalada El-Niño ee wadankeenna ku soo wajahan.

Daah-furka madasha ayaa waxaa Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.