Ra’isul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddada Taleex oo dib u dhis lagu sameeyay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Taleex oo dhawaan uu maamulka Gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay, isaga oo kaa shanaya maamulka Degmada iyo bulshada degaanka.

Sidokale, Xarigjarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeeyn munaasabadda ka sheegay in maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dib udhiska waddooyinka Caasimadda iyo horumarinta bilicda magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, Nabadda, Ganacsiga iyo Horumarka kala duwan Caasimadda.