Shirka isku duwidda horumarinta wax soo saarka xoolaha oo ka furmay Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Mudane, Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha ee Mashruuca RAAISE.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Wasiirrada Xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Mudane, Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono wixii u qabsoomay saddexdii sana ee lasoo dhaafay iyo wixii dib u dhac ahaa ee ku yimid.