Noloshu waa mid muhiim u ah in uu ka dhex jiro is ixtiraam u dhaxeeya dadka darajo kasta iyo nooc kasta oo ay yihiinba.
Nolosha oo dahna waxay ku dhisantaa wax wada qabsi iyo is ixtiraam la isu hayo , xitaa haddii ay tahay xiriirk a dowladaha waxaa u muhiim u ah in ay ku dhisan tahay xiriir is ixtiraam iyo wax wada qabsi.
Qofka waxaa uu rabaa in uu helo ixtiraam uu ka helo dadka kale iyo in ay soo dhaweeyaan oo ay u muujiyaan ixtiraam iyo in ay qadarinayaan taas oo ku caawineysa in uu helo niyad uu wax ku dhisi karo oo uu nolosha ku ambaqaadi karo.
Ixtiraamku wuxuu muujiyaa niyad wanaag waana kan ka dambeeya in aad bulshada ku dhex noolaan karto adigoo ku dhex leh qiimo iyo qaddarin.
Inta badan qofku wuxuu ixtiraamka ku helaa dalkiisa iyo dadkiisa wuxuuna dareemaa ixtiraam darada marka uu u baxo meel ka baxsan dalkiisa waxaana inta badan dareema kuwa ku qaxootiyooba dal kale oo dalkooda aheyn .
Dadkan mararka qaar waxaa loola dhaqmaa si ixtiraam darao ah oo aanu ixtiraam ka muuqan markaas oo ay dareemaan wixii ay dalkooda ku heysteen oo ixtiraamku ugu weynaa .
Waxaa qofka waajib ku ah qiimeynta dadka ka waaweyn haddii uu yahay qof yar , qofka da’da ahna waa in uu ixtiraamaa dadka yaryar taas oo abuuraysa is qiimeyn dadka dhexdiisa ah.
Waxaa kale oo u baahan in ixtiraamku ka dhex jiro kuwa shaqo wadaagga ah, aradayda wax wada barata iyo dadka saaxiibada ah oo is ixtimaaka ka dhex jira uu abuuro kalsooni dhexdooda ah wuxuuna caawiyaa in wax qabadkooda uu noqdo mid waxtar leh.
Hadii aad adigu dadka ixtiraam u fidiso adiguna dadka wey ku ixtiraamayaan oo waxay kuu muujinayaam qiimeyn wanaagsan adigoo helaya kalsonidooda.
Si aad u noqoto qof ixtiraam leh oo la qadariyo waa in aad noqotaa qof waxa afkiisa ka soo baxaya uu qiyaasan yahay oo aan isla hadlin balse u meel daya waxa uu sheegayo.
Waxaa kale oo loo baahan yahay in qofku ahaato mid dhowrsoon oo aan ku degdegin waxyaabaha qaar sida xanta, isku dirka iyo wax ka sheegidda dadka kale iyo beenta.
Kasbasashada ixtiraamka si dabiici ah ayey ku timaadaa oo dadku marka ay sifooyinkaas qofka ka dareemeen iyagaaba sidooda qofka ixtiraam ugu muujinaya .
WQ: MAXAMED SHIIL XASAN