Guddiga Saaxiibtinimada Ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Qatar oo Guddoon Doortay

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maojlis Shuurada Qatar, ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah  kana dhacday ๐•๐ข๐ฅ๐ฅ๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š ayay ku doorteen xubnahan kala ah.

Guddoomiye: Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire

Guddoomiye ku xigeen: Senator Axmed Maxamed Saciid (Irbad)

Xoghaye: Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi

Xubnaha la doortay ayaa ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan  iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal.