Shaki kuma jiro in ujeedka loo unkumay ciidanka Bilayska iyo Hay`adha amnigu ay yihiin ilaalinta xuquuqda asaasiga e nafta iyo maalka muwaadinka sida ku xusan dastuurka dalka iyo sharciga lagu aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed , waana in lagula xisaabtamo wax kasta oo gaabis ah eeku yimaada gudashada waajibaadkaas.
Kororka dambiyada abaabulan maahan inaysan gudan hay`adaha amnigu waajibkii qaran, laakiin Heerarka booliiska caalamiga ah ayaa tilmaamaya booliska iyo saamiga dadweynaha ay ahaato in 500 boqol uu hal qof boolis yahay 1:500. Mana filayo in Soomaaliya ah heerkaas gaartay.
Macnuhu waa in ciidanka boolisku aanu joogin meelwalba ,taasina ay qasbayso in dawladu ka shaqayso sidii loo dhisi istiraajiyad looga qabgalinayo bulshada baahinta amniga, una dhisi lahayd Booliska Bulshada si bulshadu uqaadato dawrkeeda kaga aadan ilaalinta amniga loona arkin in amniga uu xil ka saaran yahay oo kaliya ninka ciidanka ah .
Dhismaha Booliska Bulshada waxaa aasaas u ah jiritaanka xiriir kudhisan is aaminaad oo u dhexeeya bulshada iyo ciidanka amniga, taasina waxay sahlaysaa in si sahlan loo aqoonsado kooxaha wada amni darada .
Baahida ay bulshadu u qabto Saraynta iyo Fulinta sharciga waxaa asaas u ah wacyiga bulshada ookor looqaado lana sameeyo wacyigalin xoogan oo ku aadan ahmiyada arinta amniga , waxaana muhiim in ayadoo lafiirinayo xaalada amni daro ee dalku ladaalaa dhacayo inay madaxda amnigu xiisado amni ka bixiyaan iskoolada, jaamacadaha, ,macaahida iyo khudbadaha salaada jimcaha. waa hadii ladoonayo in laga hortago amnidarada baahsan ee aanu ku noolnahay. Waayo horumarinta iyo joogtaynta xiriirka is aamineed ayaa saldhig u noqon kara in bulsho booliseedku ay qayb ka ahaayo kahortaga dambiyada ay maleegayso aragagixisadu iyo kooxaha burcadu.
Habka ka qaybgalinta bulshada oo dhan amni sugida ayaa qayb muhiima ka ah u diyaar garawga ka hortaga falalka argagixisada iyo rabshadaha lasoo abaabulo.
Sidoo kale xoojinta sharciga iyo ilaalintiisa waa in laga qayb geliyaa saraakiisha caafimaadka dadweynaha iyo kuwa dhimirka, barayaasha iskoolada, jaamacadaha iyo xitaa kuwa Quraanka,ciidamda dab-demiska, maamulayaasha xaaladaha deg degga ah, hoggaamiyayaasha diinta, ganacsatada, shaqaalada rayidka ah, ururada aan faa’iido doonka ahayn iyo qof kasta oo haya adeeg bulsho sida bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta iyo muruqmaalka ka hawlgala goobaha muhiimka ah sida Dekedaaha iyo Garoomada diyaaradaha.
taasi waxay keenikartaa in xubin kasta oo ka mid ah bulshada uu door muhiim ah kuyeesho ogaanshaha dadka ku hawlan hawlaha amni darada iyo kuwa u baahan taageerada iyo gurmadka xiliga ay dareemaan khataro amnidaro .
bulsho booliseedku wuxuu miro dhalayaa marka ay si aqoonsadaan darisyadu iyo madaxda deegaanka maamusha, gaar ahaan magaalooyinka waawen sida Muqdisho. Oo ayba adagytahay in derisku is aqoonsadaan ama ay yaqaanaan xiriirna kala dhexeeyo madaxda deegaanka maamusha.
Waan ognahay in dambiilayaasha iyo argagixisaduba ay ku bulaalaan oo ay ku tarmaan deeganada aan laga aqoonin, marka aqoonsi la`aanta deriskaaga waa khatar amni oo kula deris ah kuna mashquulsan goor iyo ayaan qorshayaal khatar amni ah oo aadan ogayn, waana qasab dal sideenoo kale ah in derisku yaqaano qofka la deriska ah iyo kana hayo xogo badan.
Hay`adha amniga ee Soomaaliya waa inay darsin iyo casharo kabartaan sida dalalka deriska la ah ee Briga Afrika (East African Community) ay u sugaan amnigooda una hirgaliyeen mashruuca Bulsho Booliiska, waayo dalkeenu waxa uu isu diyaarinayaa inaan kamid noqono bulshada EAC.
Aan tusaale u soo qaadano Tanzaniya iyo Ruwanda oo lagu tiriyo dalalka bariga afirka ugu amaanka fiican aadna u soo jiitay maagalshiga iyo dalxiiska oo ay ka helaan dhaqaale xoogan .
Mahaddanidiin
WQ: Axmed Suudaan
Lataliyaha koowaad
Somali Embassy Khartoum- Sudan.