Wasiir Biixi” Labadii bilood ee la soo dhaafay DF waxay ku guuleysatay in ay bixiso mushaaraadka iyadoo u baahan kab dibadda ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay ku guuleyteen in dakhliga Dowladda uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo Kab u baahan.

Wasiirku wuxuu sheegay in markasta kab uga baahan jireen dibadda si loo bixiyo mushaaraadka, taas oo hadda looga maarmay in labadii bilood ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay in ay mushaarkeeda bixiso iyadoo aan u baahan kab dibadda ah.

” Labadii bilood ee hadda la soo dhaafay ugama ney baahan kab dibadda ah in aynu mushaaraadka bixino, dakhliga gudaha ayaa daboolay in aynu ku filnaano mushaaraadkeenna, runtiina 25% waa wax weyn, intaana kuma ekee waxaan rabnaa in kor loo qaado,” ayuu yiri wasiir Biixi.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay canshuurta bixiyaan lana xisaabtamaan Dowladda si loo helo daah-furnaan maaliyadeed iyo in la dardar geliyo dib-u-dhiska dalka.

Wuxuu sheegay in guushan iyo guulo kale badan-ba lagu gaaray hannaanka deyn-cafiska oo uu tilmaamay in marnaba la siyaasadeyn geeddigaas tobanka sanno soo socday.

Ugu dambeyn, Wasiir Biixi, ayaa hoosta ka xariiqay in guulahan isdaba jooga ah ee kobaca dakhliga dalka lagu gaaray ay tahay qorshaha la dagaallanka masuq-maasuqa ee Dowladda Xasan Sheekh ay ku dhawaaqday, taas oo wax badan ka beddeshay hannaanka dhaqaale ee dalkeenna.