Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug halkaas ay si balaaran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo shacabka reer Galmudug.
Guddoomiye Madaale ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaadan doonno Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira dardargalinta howlgalada silsilada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sida uu maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho ay u garab taagan yihiin geesiyaasha CXD iyo kuwa xaqa u dirirka ah ee u taagan sidii dalkan looga sifeyn lahaa kooxda arxanka daran ee Argagixisada ah.