Ilaa 21 Bukaan oo la xaqiijiyey in ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub 24kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,985.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in la diiwaan geliyay 8 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland (5) iyo Gobolka Banaadir (3), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,776.

Bukaannada cusub 7 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, ma jirin bukaan u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 773 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, ayna qaataan talaalka cudurka oo laga heli karo Isbitaalada Martini iyo Banaadir.