Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka  loo yaqaano(Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi khawaarijta Al Shabaab oo dadka deegaanka dhibaato weyn ay ku qabeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Cadowga Al-shabaab oo mar walba u taagan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan,taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah,ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabka Soomaaliyeed ayaa dadkii shacabka ahaa u fidisay gurmad caafimaad,waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahay ku guuleystay in Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo kuyala gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka.

Alshabaab ayaa caado u ah markii ay dareemaan in ay la kulmayaan culeysyo military oo kaga imaanaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM,waxaa ay ka aar goostaan shacabka,balse taasi waxaa ay keentay in shacabka ay bilaabaan iska caabinta ficilada guracan ee Shabaabku ay kula kacayaan bulshada.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa ku sii xoogaysanaya ololaha shacabka ay isaga dul qaadayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab,gaar ahaan kuwa labaxay Macwiislayda,kuwaasi oo khasaare xooggan iyo niyad jab ku riday Shabaab,taasina waxaa u wehliya howlgalada ay wadaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.