XAQIIQDII TAARIIKHDU WAA KEYD AAN DUUGOOBIN

Taariikhdu waa ma guuraan dalkaan wuxuu soomaray heerar kala duwan oo dhib iyo dheefba lahaa.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in wax laga qoro dhacdooyinka isdaba joogga ahaa ee dalkeenna soo maray haddey noqon lahayd kuwooda siyaasadda iyo Kuwa dhaqan.

Waxaa muhiin ah in la kala fahmo taariikhda qofka xun leeyahay iyo midda qofka wanaagsan leeyahay.

Sida badan  hoggaanka dalka iyo goleyaasha siyaasadeed ee ugu waa weyn dalka qodobbada looga baahan yahay in si feejigan u fiiriyaan amase lagu eego indha furan u baahan tallaabo kasta oo la qaadayo, waayo qaar ka mid ah ayaa waxay sameeyeen arrimo keenay qalqal siyaasadeed iyo degenaasho la’aan kuwaasoo dalka iyo dadka burburiyay geliyayna dalka dagaallo sukeeye

Sidoo kale waxay goleyaasha la horyimaadaan damacooda siyaasadeed oo ka hor imaanaya sharcigii lagu heshiiyey ama dastuurka dalka

taasi mar labaad waxay keeni kartaa burbur dowladeed iyo kala aamin bax bulshada isku danta ah ee soomaaliyeed.

Haddaba, dalkeennu wuxuu leeyahay Qoreyaal badan iyo Wargeys qaran oo lagu daabaco ama ay soo sarto Wasaaadda Warfaafintu toddobaadkiiba hal mar kaas oo laga heli karo xogta dalka iyo taariikhda waxyaalka muhiimka ah ee ka dhaca waddankeenna.

Haddaba, ka soo raadi wixii aad uga baahato keydka mugga weyn ee Waaxda Qoraalka iyo Wargeyska dalka waxyaabaha ay ka qoreen guud ahaan saxaafadda dalka iyo wargeysyada oo dhan kuwooda ugu afka dheer uguna waa weyn.

Akhriste hadii aan la helin qoraal tifaftiran dalkeenna waxba lagama ogaanayo waana in la helaa akhris iyo qoraal buuxa oo lagu kalsoon yahay markii aan leeyahay sidaas waxaan uga jeedaa waa dhexdhexaad Wargeyska dalku oo cidna uma hiilliyo waana ka madaxbannaan yahay xisbi koox gaar ah iyo qabiil  qoreyaasha wargeyska waa qoreyaal aad loo xulay oo waddaniyiin ah kuwaaso u bisil waxqabadka dalka iyo dadka.

Dhammaan qoreyaasha dalka sidoo kale waxaa looga baahan yahay inay wax ka qoraan waddaniyadda iyo difaaca dalka waana inay u tanasulaa samaha markii ay hor yimaadaan daruufo adadag isagoo eegaya danta guud, suxufiga wanagsan waxaa lagu gartaa ma eego mana qaato wax sandareerto ah

haddaba qof walba oo wanaag sameeya oo dalkaan wax u gala taariikhdu hakaa qorto wax fiican oo ka qayb gelin kara geesiyaashii kaa horreyey kuwooda ugu wanaagsan

Waxaad arkidoontaan adduunka intaad joogtaan waddooyin badan oo idinka hor muuqanaya ee isku daya inaad qaaddaan tan ugu wanaagsan oo kheyrka iyo liibaantu ku jirto, haku dayanina tuugada iyo kuwa wax horay u boobay oo agtiina guryo waa weyn ka dhisanaya, hana fiirinina kuwa derejo lagu siiyey dhibaato uu ka shakhenayey oo laga laaluushay.

Waddanka hooyo dadkii usoo halgamay maanta maqaam sare ayay dalka ka leeyihiin, qof walbow ku dayo kana tag taariikh ay dadkaada u aayaan kuguna soo xasuustaan sida geesiyaasha daljirrada dahsoon ah iyo kuwa maanta sida aadka ah looga yaqaanno sida Maxamed Cabdulle Xalane oo ah ruuxii isku duubay calanka soomaaliya maalin ay xumeyd oo dagaal lagula jiray itoobiya kaasoo calanka u quuri waayay inuu cadowgu  gacantiisa galo una shahiiday dalka jaceylkiisa, waa lama huraan in la soo wada faago dhammaan taariikhaha qarsoon ee geesiyaasha soomaaliyeed,

haddaba ilaali sharafkaada si aad u hesho taariikho la mid ah amaba ka fiican balse ogoow haddii ay lunto sharaftu dib dambe looma helo, laakiin xoolo waa layska heli karaa

WQ: Cabisalaam Axmed Gabayre