Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo Safar Shaqo u Aaday Dalka Kenya.

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka,  guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.