Duqa Muqdisho oo la kulmay Maareeyaha hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay Maareeyahaya Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Timacade.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo u diyaar garawga Shirwaynaha iyo daah-furka Kaarka Aqoonsiga oo16-ka bishan September ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Iyo Gobolka Banaadir.