Inkastoo uu is maandhaafku sunno lama dhaafaan yahay oo cid walboo meel wada joogtaahi ay si uun isku qoomi karaan, haddana waxaa bulshada soomaaliyeed ku badan oo foog iyo fiidba si joogto ah u dhex mara isku dhacyo, qardoofooyin, xurgufo, soo noqnoqda, iyo gardarooyinka kale oo qolada gaysanaysa ama dhibanaha u ah keliya aan ku koobnayn ee dhinacya kale ay ku lugleeyihiin.
Inta badan sii hurinta xurgufta ayaa laysku howlaa oo xal-doonku aad bay u yaryihiin, fal kastoo guracanina wuxuu leeyahay gurracani garabyo iyo taageero hagar la’aan ah, balse hiilida indha la’aanta ah ee dambiiluhu waa mid aakhiro iyo adduunba dhibaato aan laga waaqsan laga dhaxlo.
Qoftii laga gardarnaa kolkuu arko kooxo kale oo ruuxii dulmiyay u gurmanaya, habaar iyo haaraan ayuu ku halgaadaa haddii aanu awood kale lahayn, habaarkaasina mid uu Eebbe si degdeg ah u aqbalo sida ku cad nuxurka xadiis uu tilmaamayay 3 qolo oo aan ducadooda iyo inkaarkooduba dhulka dhicin.
Waa run oo soomaalidii hore dhaca geela iyo dagaalada beelaha kama caaganayn, balse sida ay maanta talo faraha uga baxday oo ay xumaanta iyo samaantu inoogu sinmeen ma aanay gaadhsiinayn ee waxaa jiray waxyaabo ay ka sariigan jireen oo qofkii ama kooxdii samaysa ku dhaleecayn jireen, eel aanfo aan laga waaqsanna ugu dardaar warin jireen.
Sido kale waxay lahaayeen xeer-beegti xaajo aqoonnimo iyo xeel-dheeri ku suntan iyo guurti geed joog ah oo gar-soor quman wax kula saara, ciddii gaf lagu helona si feecan u yakeeya, xeer maantaa wixii ka dambeeya lagu caano maalo ebyi jiray.
Ugub iyo curud ayay xaajada loo keeno u kala saari jireen, ka dibna ma dhaqan baa mase waa dhur, hadday dhur tahay ma diyaa mase? waa daqar hadday dhaqan tahayna ma xilaa mase waa xoolo ayay is haybin jireen si ay u hubsadaan in garta ay u fadhiyaan mid la cayn ihi ay hore u dhacday iyo inay tahay mid cusub oo aan ayadoo kale waqeed la arag, lana maqal.
Inkastoo ay qaar madax adayg iyo macangagnimo ku tilmaanaa iska jiraan haddana bulshadii waagaasi waxay ahaayeen dad jid iyo jiho leh oo aan talada gar caddaaga iyo go’aanka guurtiga hadal ka soo celin, dambiilahana aan u garaabin si maanta dhacda oo dhammaanteen marqaatiga u nahay.
Aynigaa waxaa ka dambeeyay dar xumaanta iyo xaq-darrada isugu hiilliya,gacan ku dhiigle tolnimo lagu garab siiyo, burcad beelnimo lagu difaaco, gar leexsan oo odayadii furdaamin lahaa la laaluushay, dagaal ooge marasta laaya oo halyay loo yaqaanno, hooyo ama aabbe aan carruurtooda ka adkayn oo dhibkii ay gaystaan oon lagala hadli karin, bililiqo iyo boob cad oo aan butuli laga odhan karin, fal guracan oo ay koox dhami ku kacayso oo aanay isku ceebinayn, wadaado waanadii gabay iyo wax sheeg lagu dhiiran waayay.
Gabood-falku moogan wuxuu marayaa inay samaysmeen guuto abaabulan oo “ciyaal weero” la magac baxay, kuwaasoo hadh iyo habeen u tafaxaydan dhaca, dilka bulshada soomaaliyeed, kufsiga iyo waxyeelaynta bir-magaydadana caadaystay oo ay dhallinyaro iyo waayeelba qadyaan laga wada taagan yahay, qeybo badanoo magaalada kamidana in dartood looga qaxo qarka loo saaranyahay.
Dhibaatada joogtada ah ee ay bulshada ku hayaan ayaa ciidan iyo cuqaalba loo wada caalwaayay, markastoo lays ku dayo in tallaabo laga qaadona waxaa ku gudban waalidiin aan lurka iyo anafada ay dadka u gaysanayaani u muuqan oo ku doodaya inay carruurtoodu sama-wadayaal iyo suubanaal afkooda iyo adinkooba laga nabad-galo yihiin oo lagu gafay.
Sido kale waxaa hiil hayb iyo tolnino ku salaysan la garab taagan siyaasiyiin xasaanad iyo magac dowladnimo human iyo odayaal sal-dhigyada kaga daba taga oo ayagoon waxyeelada baaxadda leh ee ay bulshada ku hayaan u meel dayin sidii ay saraakiisha soo xirtay gacmahooda uga furdaamin lahaayeen u tafa-xayta
Ta la yaabka leh oo maanka wax-garad wareerisay ayaa ah inay odayaasha iyo hooyooyinka si ay carruurtooda uga soo daayaan sal-dhigyada u hor tubani ayaga qudhoodu dhibaatada ciyaal weerada si joogto ah uga soo cowdaan, hayeeshee falalka ay ubadkoodu gaystaan aanay dooc iyo dareen toona u lahayn”hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana” ayaan maqli jiray.
Haddaba sidee arrintan wax looga qaban karaa? Waa maan-gal inaad weydiintan war-celinno badan u hayso, balse ta qoraa ahaan kula wadaagayaahi waa inay bulshadu isku xil-saaraan inay inta ay ayaga kaga aadan hagaajiyaan tusaale waalid waliba waa inuu carruurtiisa ka adkaado oo dhibaatada ay dadka kale ku hayaan ka reebo, wixii uu u taag waayona uu ciidamada u soo gudbiyo.
WQ: Abwaan Hareeri