Shacab waynaha Soomaliyeed meel walba oo ay jogaan dal iyo dibad waxay ka siman yihiin oo ay maskaxda iyo qalbiga ku hayaan inay mar un arkaan Dowlad fiican oo matali karta magaca dadka iyo dalka Soomaaliya, riyadaas oo la wada sugayey muddo dheer goortay rumoobayso, dadka qaarkood ee soo arkay dowladnimada qiimaha ay leedahay waxay yiraahdaan nin nasiib leh ayaa arki doono dowlad Soomaaliyed oo dib lugaheeda isugu taagta si la mid ah dowladaha dunida ka jira, taas oo awood u leh inay maareeyso dhaqaalaheeda iyo amnigeeda, dibna u hanan karta magacii iyo sharafkii aan lahaan jirnay.
Doorashadii 15 May 2022 Dowaladda Soomaliya waxay cagta saartay wadada dib u soo kabashada qaran soomaalayeed oo lagu naaloodo, waxaa daliil u ah labada Aqal ee Baarlamaanka,(Golaha shacabka iyo Aqalka sare) ay si aqlabiyad ah u doorteen Dr. Xasan sh.Mohamud oo ah siyaasi ruugcadaa oo horey u soo noqday madaxwayne la soo tijaabiyey 2012-2016. madaxeeynaha oo qibradiisa siyaasadeed ka faaiidayssnaya wuxuu magacaabay Raysalwasaare aqoon yahan ah, ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen, isku aragtina ay ka yihiin jihaynta iyo jaangooynta siyaasadda Soomaaliya, taas waxay u sahashay labada gole ee Baarlamaanka inay ku ansixiyaan Raysalwasaaraha tiro aad u badan oo ku dhow 100% taasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka iyo rajada badan ee laga qabay wada shaqaynta madaxda sare ee dalka.
Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxay ka soo daaleen khilaaf ka dhextaagan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne iyo Raysslwasaare oo ku kala duwan aragtida siyaasadda, hadii Duuliyaasha diyaaradda (pilot iyo Co-pilot) nimba dhinac diyaaradda u kexeeyo waxaa lala kulmayaa khatar iyo jahwareer, dowladihii hore ee Soomaaliya waxaa ragaadiyey isfaham la’aan ka dhex jirtay madaxda sare, natiijadana waxay ku dhamaan jirtay fashil aan ku Koobnayn labada hogaamiye, khilaafkaas wuxuu saamayn ku yeelan jiray dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, iyadoo dadka waxgaradka ah wajigooda laga dareemi jiray inay aad uga xun yihiin khilaafka madaxda sare oo had iyo jeer keeni jiray burbur siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska soomaaliya, waxaana hoos u dhici jiray magaca iyo maqaamka dadka iyo dalka Soomaaliya, iyadoo la wajihi jiray jaheareer, hubanti la’aan iyo carqalad siyaasadeed oo ay buunbuunin jireen danleey aragti gaaban leh oo u adeega dano shisheeye iyagoo doonaya inay ka faaiidaystaan khilaafka iyo iska hor imaashaha madaxda sare.
Artintaas khilaafka madaxda sare waxay soo jiitamaysay 20kii sano ee la soo dhaafay ee lagu dhex jiray dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana la soo gaaray waqtigii caqabadaas laga gudbi lahaa, waxaa dalku yeeshay Madaxweyne iyo Raysalwasaare isku aragti ka ah arrimaha siyaasadda, taas oo ku dhisan Danta Qaranka, waa sababta xukuumadda loogu magac daray Dan Qaran, si looga wada fekero danaha ummadda soomaaliyeed meel walboo ay jogaan, iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Rajada iyo dareenka dadka soomalida ay ka qabaan dowladnimada dib bay u soo noolaatay, Shacabka Soomaaliyeed waxay arkeen shaqo badan oo ay dowlaaddu qabatay, Xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre waxay dardar gelisay in la sameeyo shuruucdii lagu hagi lahaa howlaha adeegyada bulshada loo qabto.
Muddo gaaban gudaheed golaha wasiiraddu waxay sameeyeen isla markaasna ansixiyeen in ka badan 8 sharci oo loo gudbiyey Golaha Baarlamaanka, wali ma dhicin taariikhda siyaasadda Soomaaliya in muddo sanad gudaheed ah lagu qabto howl baxadaas leh, xukuumadda Dan Qaran waxay muujisay dadaal iyo xilkasnimo aad u badan. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku amaaneen Xukuumadda Dan Qaran la dagaalanka musuqmaasuqa, arrimaha amniga, waxbarasha iyo Arrimaha dibadda oo aad loogu guulaysatay.
La Dagaalanka Musuqmaasuqa,
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa la dagaalanka musuqmaasuqa inay tahay shaqo mudan in la siiyo ahmiyadda koowaad, waxayna qayb ka tahay ballanqaadkii khudbadii madaxweynaha Dr. Xasan sh.Maxamud uu ka jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka xilligii doorashada, wuxuna ballanqaaday hadii la doorto in dalka laga hirgalinayo dowlad wanaag (good governance), dadka la socda taariikhda Soomaaliya waxay ku tilmaamaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Xasan Sh.Maxamud iyo Raysalwasaare Xamza Cabdi Barre inay ku taagan tahay wadadii dowladii madaxweyne Adan Abdulle Osman, (Adan cadde) iyo Abdirisaaq Xaji Xuseen oo lagu xasuusto dowlad wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, xilligaas dad badan ayaa ku waayey xilkooda musuqmaasuq iyo karti la’aan iyadoo loogu magac daray Busta Rosa.
Amniga,
Dowladda soomaaliya waxay ku guulaysatay inay dib u xorayso goobo badan oo ay maamuli jireen kooxda AL-Shabaab. Ciidamada qalabka sida waxay muujisay inay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka, iyadoo kor loo qaaday tayada iyo qalabka ciidanka, waxayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka maadaama ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dabayaaqada 2024, ATMIS waxay bilaabeen inay ku wareejiyaan ciidamada Soomaliya goobo badan oo ay horey u daganaayeen iyagoo isu diyaarinaya inay dib ugu laabtaan dalalkooda.
Dhinaca waxbarashada,
madaxeynaha iyo raysalwasaruhu maadaama ay ka wada tirsanaan jireen bahda waxbarashada waxay ku dadaaleen in wasiirka uu noqdo shaqsi aqoon iyo khibrad badan u leh Arrimaha waxbrashada waxana loo magacaabay Ustaad Farax Abdulqadir oo muddo badan ka soo shaqeeyey waxbarashsda dalka, dowlada federaalka waxay dardargelisey kor u qaadista tayada waxbarashada, midaynta manaahijta dalka si loo mideeyo waxbarashada ardayda soomaaliyeed korna loogu qaado heerkooda waxbarsho, wasaradda waxbarashada waxay qabatay shirwayne looga hadlayo waxbarashada dalka heerka ay marayso, caqabaedaha ku gadaaman iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in laga gudbo caqabad wayn oo jirtay taasoo ahay macallimiinta oo aad u tiro yar, marka la barbardhigo ardayda, tuulooyinka ka fog magaalooyinka waxa ka jiray macallin yaraan baahsan, dowladda federalka waxay howl gelisay ilaa 3000 macallin oo loo qaybiyey gobaladda dalka oo dhan iyadoo lagu saleeyey baahida macallin ee ka jirta degaan walba.
Xiriirka Arrimaha Dibadda,
Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhallisay hal kudhagga Madaxeeynaha oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag. Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey qudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha. waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.
Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadin mudan in Soomaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).
Ururka CTBTO waxaa ka faa’iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faa’daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria,
Talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Federaalka.
1-In kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, dunida waxay ku horumartay kor u qaadista karaan ama kartida shaqo ee aadanaha (Human Capital), iyo in laga faa’iidaysto aqoon yahanka Soomaaliyeed oo leh aqoon sare, khibrad iyo daacadnimo diyaarna u ah inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa, wadamada Japan,South Korea iyo Singapore, malaha khayraad badan oo dabiici ah laakiin waxay horumariyeen dadkooda iyagoo baray aqoon,xirfadaysan iyo karti howsha lagu fuliyo (Competence), dadka Soomaaliyeed hadii tayadooda kor loo qaado waxaan hubaa inay la tartami karaan wadamadaas aan kor ku soo xusay.
2-Shacabka Soomaaliyeed waxay talo ku soo jeedinayaan in nabad lagu soo dabaalo Gobalada dalka ee ay colaaduha ka jiraan iyadoo la adeegsanayo culimada diinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo gaaro xal nabad galyo ku dhisan
3-In guud ahaan dalka laga abaabulo ALLE Barrri iyo duco, in Alle la waydiisto cafis guud, dadka oo dhanna laga codsado inay is cafiyaan, si loola yimaado niyad sami horseedi karta in Soomaliya ilaahay towfiiqda waafajiyo oo ay midowdo, Soomaalidii hore xaalka markuu adag yahay waxay oran jireen aan ducaysano.
4-In da’yarta soo koraysa ee ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarashada lagu barbaariyo walaalnimo iyo Soomaalinimo, waayeelkana lagu boorriyo walaalnimada iyo Soomaalinimada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybin iyo khilaaf Bulsho.
Guntii iyo Gabagabo Sahacabka Soomaaliyeed waxay qirayaan in dowladda fedraalka ay qabatay shaqo wanagsan islamarkaana ay raali ka yihiin hogaanka siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Dr.Xasan Shiikh Maxamud iyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadda Dan Qaran waxay mujisay dadaal dheeraad ah muddadii ay jirtay ee sanadka ahayd, waxaana laga rajaynayaa in dowladdu ay qaban doonto shaqooyin badan oo muhiim ah sanadada soo socda hadii ALLE idmo.
Amb.Osman Mohamed Adan

