Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane,Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga hore ee dagaalka Bariga gobolka Galgaduud ayaa la hadley cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah.
Wasiirka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo hadda ka sii dabar go’aya dalka.
Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo degaanada fara kutirsaka ah ay ku dhuumaaleysanayaan.


