SHEEKADA DADKII UU HAL-ABUURKOODU DHIMASHADA U HORSEEDAY ( QEYBTII 2AAD)

Intaa ka wuxuu sanadkii 1696 naqshadeeyay nal weyn oo lagu calaamadiyo dhagaxyada khatarta ah ee badda ku dhex yaal, wuxuuna helay oggolaansho naqshadiisa oo dowladda ingriisku waxay u qirtay waxqabadkiisa.

Sidoo kale  wuxuu dhisay goob ama dhisme alwaax iyo biro ka samaysan oo gudah badda ku yaal, kaasoo uu ugu talo galay in maraakiibta badda maraysa laga hago.

Dhismahaasi xeebta dbowr mayl ayuu u jiray, 115 cagood ama fiid ayuuna biyaha hoos ugu jiray, waxaana laga shiday ilaa  60 shumac oo iftiinkoodu hagayo maraakiibta  u dhow, henrina wuu ku dhex noolaa oo asagaa ka shaqayn jiray.

Nasiib darro 1703-kii. Duufaan maalmo dheer socotay, oo ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa taariikhda Ingiriiska, ayaa ku dhufatey xeebaha dalkaas. Dabaylo xoog leh iyo mowjado ayaa qaaday Winstanley’s lighthouse oo ahaa dhismihii Winstanley, asaguna wuu ku dhex jiray dibna looma arag.

4) Thomas Midgley, Jr. Wuxuu ahaa hal-abuure ama saynisyahan u dhashay dalka maraykanka wuxuuna noolaa qarnigii 20aad.

Toomas wuxuu ogaaday in rasaasta loo yaqaanno tetraethyl-ka lagu dari karo shidaalka si looga hortago in mishiinka baabuurtu is garaaco ama duqeeyo.

waxaanu go’aamiyay in isku darka  rasaasta  jaadkaas ah iyo shidaalku ay matoorada u noqan karaan qaboojiye aad u wanaagsan.

In kastoo uu Hal-abuurkiisu waxyeelo ugaystay deegaanka, haddana waxa uu bilado badan ku helay shaqadiisa hal-abuurka leh ee fulinta iyo cilmi-baadhista ah.

Markii uu da’diisu ahayd 51, Midgley waxaa ku dhacay cudurka dabeysha wuxuuna lumiyay isticmaalka lugihiisa, sariir ayuuna ku aruuray.

Laakiin hal-abuurkiisii iyo dadaalkii halkii ayuu ka sii waday,wuxuuna sariirtiisa ku alifay nidaam jiidjiid ah si uu isagu kor isugu qaado, marna hoos ugu dhigto jiifka.

Nasiib darro, Noofambar 2, 1944, Midgley waxaa laandayr ku noqday oo ku ceegsamay xadhkihii nidaamka uu sameystay oo uu sariirta ku maamulan jiray, taasina waxay keentay dhimashadiisa.

5) Karel Soucek Karel Soucek, wuxuu u dhashay  dalka Canada, wuxuuna  caan noqday 1984-kii ka dib markii uu noqday ninkii ugu horreeyay ee 23 sano jir ah oo si uu uga badbaado  foosto kaga gudbo Niagara Falls oo ah biyo daadageen dalkaas ku yaal.

Wuxuu fuulay foostada ay kaaliyayaashiisu  kula riixayeen biyaha, wuxuu ku orday hoos 75 mayl saacaddii. Kaliya 3.2 ilbiriqsi ka dib, wuxuu tagey gunta hoose ee biya dhicitaannada, isagoo nabarro leh laakiin uu ku guuleystay.

Laakiin arrimuhu si lama filaan ah  bay u xumaadeen dhawr bilood ka dib markii, foosto cusub oo nashqaddiisa gaarka ah, uu diyaariyey  lagala soo tuuray saqafka sare ee dhismaha Astrodome Houston.

Laakiin foostadii uu Soucek saarnaa sidii loogu talo-galay way u shaqayn waysay , 180 cagood ayayna gunta hoose ee biyaha la aaday, waa la soo badbaadiyay, balse markii dambe isbitaalka ayuu ku dhintay.

6) Harry Smolinski , wuxuu ahaa saynisyahan u dhashay dalka maraykanka.

Sidoo Wuxuu ahaa Injineer hawada sare ah ama cirbixiyeen, waxa uuna ku guulaystey xirfaddiisa ah in uu  naqshadeeyo diyaaradaha jet-ka iyo gantaalada.

horraantii 1970-aadkii, waxa uu isku dayay samaynta baabuur duula.

Smolinski wuxuu rabay inuu naqshadeeyo baalal khafiif ah iyo dabo lagu dhejin karo baabuurta, laakiin tijaabadii baabuurkaas ayaa geeridiisa sabab u noqday.

Bishii 11-aad,sanadkii 1973. Daqiiqado ka dib markii uu baabuurka sida diyaaradda u samaysan kacay, maareeyaha garoonku waxa uu arkay qiiq madow oo ka kacaya goobta shilku ka dhacay. Alxanka xun iyo qaybo dabacsan ayaa lagu eedeeyay shilka dhimashada

7) William Nelson Hal-abuurayaal badan ayaa isku dayay inay sameeyaan baaskiillo, baabuur, ama tareeno xawli ama si degdeg ah u socda, taasoo ay ka dhalasheen natiijooyin xun. Wax badan lagama oga William Nelson, kaasoo 1903-dii ahaa 24-jir shaqaale ka ahaa goob Electric ee oo ku taal magaalada New York.

Hayeeshee tijaabadii baasakiilkaas ayuu shil ku galay, kaasoo dhimasho u horseeday.

Wargeyska New York Times ayaa xusay inu ahaa “hindise ballanqaad badan.”

8) Max Valier  wuxuu u dhashay  ustoreeliya,  wuxuuna Sannadihii 1920-aadkii, duuliye ka  noqday shirkadda  duulimaadka hawada ee dalkaas.

Valier waxa uu tijaabiyey shidaal dareere ah oo ku jira noocyada diyaaradihiisa. Maajo 17, 1930, mid iyaga ka mid ah ayaa qarxay, taasoo keentay khasaare aan la filayn oo ah dhimashadiisa.

9) Thomas Andrews.

Thomas Andrews wuxuu maareeye ka ahaa shirkada ka shaqaysa gaadiidka badda, wuxuuna galay safarkii ugu horeeyay ee markabka si uu u tijaabiyo waxqabadkiisa badda.

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyay ee safarka ayaa ahaa kuwo aan waxba laga qaban, laakiin ka dib markii markabku uu ku dhacay meel baraf ah habeenkii 14-kii Abriil, 1912, Andrews ayaa la sheegay inuu arkay dhaawaca Captain Edward Smith oo uu go’aamiyay in markabka ay ka harsan tahay laba saacadood, ugu badnaan.

Xaqiiqdu waxay noqon kartaa mid si fiican ugu milantay sheekooyin sannadihii la soo dhaafay, laakiin qaar ka mid ah faahfaahinada musiibada laga bixiyay ayaa ah mid aan la dafiri karin.

Andrews waxa loo malaynayaa in uu baadhay qolalka markabka si uu ugu boorriyo rakaabka shakiga qaba in ay galaan doonyaha badbaadada, isaga oo si fiican u og in ay kuraas aad u yar yihiin dhamaantood. Dhammaadkii, wuxuu la  degay doontii Titanic ee markii dambe filimka laga  sameeyay, raqdiisa  iyo ruuxiisana dib looma arag.

10) francis stanley oo u dhashay dalka maraykanka ayaa  aasaasay warshad lagu magacaabo Stanley Motor Carriage Company, waxayna isaga iyo  walaalkiis iibiyeen in ka badan 200 oo wax soo saarkooda kamida taasoo ka dhigtay .

Mid kamida shirkadaha baabuurta ee ugu guulaha badan Maraykanka.

Majaladda New York Herald ayaa xustay in “Mr. Stanley iyo walaalkiis ay had iyo jeer wadan jireen baabuur ka kooban farsamooyinkii ugu dambeeyay ee warshadooda.”

Laakiin shaqadaas gacantu waxay isku beddeshay dil bishii Luulyo 31, 1918, markii Francis Stanley uu ku rogmaday mid kamida baabuurkii ay warshaddiisu samaysay ee uu soo saaray.

WQ: Liibaan Axmed Xirsi (Abwaan Hareere)