Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Agaasimeyaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.