Madaxweyne ku xigeen Galmudug oo qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka howlaha guud ee XFS

Samareeb- Madaxweyna ku xigeen dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa xarunta madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalim oo safar shaqo ku tagay Galmudug.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo Guriyeynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galmudug u tagay indho-indheyntii ugu dambeysay ee qorshaha bilaabashadda wadada laamiga ah ee isku xirta dhuusamareeb iyo deegaanka qaradhi oo dhawaan dhismihiisa la bilaabi doono.