Agaasiimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Madax ka Socotay Hay’adda UNICEF

Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DFS Dr. Guleed Cabdijaliil ayaa Xarunta Wasaaradda  ku qaabilay Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNICEF Soomaaliya Saciid Wafaa.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isbarasho iyo  kala warqaadasho labada dhinaca gaar ahan shaqooyinka iyo Mashaaricda ay qeybta katahay Hay’adda UNICEF.

Agaasimaha Guud ayaa diiradda saaray xoojinta Qorshaha  ee iskaashiga dhanka horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyadoo laraacayo Hanaanka Xirmooyinka Adeegga Caafimaadka Aasaasiga, iyo Nidaamyada Caafimaadka guud si Soomaaliya ay u gaarto Yoolka Caafimaaka loo dhanyahay ee Caalamiga ah #UHC.

Madaxa Hay’adda UNICEF ayaa kaga mahadcelisay Wasaaradda Caafimasdka sida daahfurnaanta ah ay ula shaqyso qaybaha kala duwan ee Hay’adda UNICEF iyada oo ka dhawaajisay isbadaalada muuqda ee  Wasaaraddu ku talaabsatay Mudaadii lasoo dhaafay taas oo la dhihi karo Wasaarada Caafimaadka waxey Tusaale u noqon kartaa Wasaaradaha kale ee dalka sida Fulinta Mashaariicda, hagaajinta Nidaamyada Xogta iyo Hanaanka Maaliyadda iyo Isla Xisaabtanka.