Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan hor-dhac ah la qaatay Wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada iyo agaasinka guud ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane Daa’uud Aways Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa kulan hor-dhac ah la qaatay Wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada iyo agaasinka guud ee gobolka Banaadir xilli goordhow la filayo in uu si rasmi ah uga furmo Muqdisho shirka ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay soo maray heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn lagu wadaa in lagu meel mariyo qorshaha istiraatiijiyada Qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda fedaraalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir si bulshada loo gaarsiyo aragti mideeysan.