Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kulamo mira dhal ah la qaatay Madax ka tirsan Dowlado Caalami ah

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale oo ka qaybglaay shirka wadamada G20 ayaa la kulmay Wasiirada caafimaadka Dalalka India, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germany, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka oo khudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamada Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo lasamaynayaan adduunyada si horumar looga sameeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caafimaadka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadamada caalamka in ay si wada jir ah isaga kaashadaan in xal waara laga gaaro caqabadaha saamaynta ku leh horumarinta adeegga caafimaadka oo adub dhexaad u ah jiritaanka beni aadam caafimaad qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheyd dhawr Wasaarado Caafimaad oo lagu casuumay shirkan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku Midoobay Ururka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga dooday waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiimaha Daawada ee taalo suuqa Caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga oo inta badan laga soo iibiyo daawada la keeno Afrika.