Soddon sano Ka hor dalkeena Soomaaliyeed waxa uu ahaa dalalka adduunka ugu waxsoo saarka badnaa ayaga oo xiligaas lahaayeen warshado waa weyn oo waxsoo saar.
Dhaqashada xoolaha nool ee xilligaa aan u iibgeyn jirnay caalamka, Tacbashada beeraha oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u tacban jiran waxaana dhiiragalin iyo garab istaag ay Ka heli jireen dowladda islamarkaana waxa ay heli jireen suuq geyn fiican oo dal iyo dibadda ah.
Sidoo kale, kalluunka ayey shacabkeena badda Ka soo saaran jireen oo lawarshadeyn jiray lana iib geyn jiray suuqayada caalamka iyo kan dalka.
Dhanka kale, waxa ay shacabka Soomaaliyeed xanaaneysan jireen digaagga oo soo saari jirtay ukumo baararka iyo suuqayada lagu iibin jiray, hilibka digaagga iyo ukunta intaasi aan kor ku soo xusay waa soddon sano Ka hor iyo dalka sida uu ahaa.
Horumarkaasi baaxda leh ee dhaqaale aan kor kaga soo xusay dalkeena Soomaaliyeed waxa ay u horseeday guul dhaqaale oo xooggan taasina waxa ay inaga gaarsiisay isku filnaasho dhaqaale in uu dalka gaaro meeshana waxaa xiligaas Ka baxay wax la yirahdo shaqo la’aan haysata bulshada Soomaaliyeed.
Taasi badalkeeda waxaa la helay shaqo abuurro wanaagsan, waxbarsho lacag la’aan ah iyo xarumo caafimaad oo lacag la’aan ah taasina waxa ay inaga dhigtay in dalkeena uu Ka hormaray wadamo badan oo ku yaalay qaaraddan afrika.
Soddon sano ka dib dalkeena waxa uu galay qaran jab xooggan oo inoo horseeday in dalkii sida fiican u dhisnaa uu burburo kaabayaashii dhaqaale la bililiqeysto, hantidii danta guud la boobo oo la dhaco, dadkii la xasuuqay, dakadihii xirmeen, Airportyadii ay xirmeen , kaabayaashii dhaqaale ee dalka uu lahaa meesha Kabaxo.
Sidoo kalena, taasi waxa ay dalka u horseeday xaalad hubanti la’aan ah oo ilaa iyo maanta aan wali Ka soo kabsan la’nahay qaran jabkii iyo burburkii ina soo gaaray.
Haddaba dhamaan dhibaatooyinka kaas waxa ay inoo horseedeen in shacabkii Soomaaliyeed la curyaamiyo lagana mashquuliyo waxsoo saarka beerahooda, dhaqashada xoolaha iyo digaagga, soo jilaabashada kalluunka iyo waxsoo saarka uu dalka lahaa ayada oo la siinaayo boqol dollar iyo in qoxootiyo la inaga dhigay.
Haddaba haddii aan u imaado mowduuceenii ahaa soo dhoofinta xoolaha qalan, digaaga qalan, ukunta, saameenteeda dhaqaale ay inagu leedahay iyo dowrka dowladda.
Labatankii sano ee la soo dhaafay dalkeena waxaa ku soo badaanyey dalagyo dalkeena lagu beeri jiray in dibadda laga soo dhoofsada, sidoo kalena xoolihii, digaaggii iyo kalluunkii dhamaantood dibadda ayaa laga soo dhoofiyaa taasina waxa ay keentay in xoolaheenii, tacabkii beeraheena, soo jilaabashada kalluunka ay meesha laga saaray ay inoo horseeday dad aan waxba wasoo saar ah laheyn.
Waxaa maalinba maalinta Ka sii danbeysa dalkeena ku soo badanaayey gaar ahaan caasimadda in la keeno xoolo qalan oo diyaarad ay ku soo qaaday furun jiyeer oo uu qiimihiisa jaban yahay,
sidoo kalena digaaggii iyo Ukunta iyo Kalluunka dhamaantood dalka ayaa la keenaa waxaa aad loogu iibiyaa hoteellada waa weyn ee dalka maqaayadaha iyo baararka taasina waxa ay meesha Ka saartay xoolaheenii, kalluunkeenii iyo digaaggeenii.
Ugu danbeyn dowrka dowladda Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay in ay dalka Ka joojiso soo dajinta waxa dalkeenna laga helayo oo aan qani ka nahay iyo wax kasta oo cuuryaaminaayo ganacsigeenna gudaha.
sidoo kale waa in dowladda ay Ka soo saartaa sharciyo mamnuucaayo wax kasta oo dalka laga heli karo in dalka la keeno lana ganaaxo qofkii sameeyo arrintaas.
sidoo kale, waa in ay dowladda qeyb Ka noqoto dhiiragalinta beeraleyda, xoolaleyda iyo dadka kalluunka soo jilaabto una heshaa suuq geyn la isku haleen karo mid dalka iyo mid dibadeed sidaas ayaan horumar ku gaari karnaa.
Insha’Allah.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan