Bile Muxudiin” Khawaarijtu waxay iga dishay Hooyadeey,Aabaheey iyo Walaalkeey( Warbixin)

 Bile Muxudiin Maxamuud, waa 20-sanno jir labadiisa waalid ay dileen Khawaarijta,.labo sanno ka hor ayuu ciildartiis u qortay ciidanka, qorigana u qaatay Khawaarijta ka dib markii ay dileen hooyadiis, Aabihiis iyo walaalkiis.

” Waxaa igu kalifay inaan ciidanka qorto sababo la xiriira Khawaarijta dartood inaan la diriro, maaddaama hore ay ii dhibaateeyeen, mana doonayo in ummad Kale oo Soomaaliyeed dhibaateeyaan sidaas darteed ayaa u qortay,”.

Bile ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhibaatada ay u geysteen Khawaarijta, wuxuuna sheegay in aysan wax u yareysan oo dhammaan qoyskiisa ay dhibaateeyeen.

” Waxba iima yareysan hooyadey waa dileen, Aabahey waa dileen iyo wiil Ila dhashay,horta wixii aniga igu dhacay waa igu dhaceen, balse waxaa go’aansaday inaan la dilin wiil dambe Soomaaliyeed, aabe iyo hooyo dambe oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bile oo la hadlayay warbaahinta Qaranka.

2017, xilli galab ah, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaadmo ku idlay Bile Aabihii Alle ha u naxariistee Muxudiin Maxamuud Abooreyste oo ka mid ahaa Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii November, 2018, Qarax ay argagixisadu ka geysatay Kaawo-godeey Isla degmada Kaaraan ayuu Bile ku waayay hooyadii Alle ha u naxariistee oo halkaas gamacsi ku lahayd iyo walaalkii Maxamed Muxudiin Abooreyste oo booqasho ugu yimid hooyadii, waxayna ku naf waayeen qaraxii Khawaarijtu ay soo maleegtay.

Bile, markii ay Al-shabaab ka dileen hooyadii, Aabihii iyo walaalkii dhowr dagaal oo uu Khawaarijtu uga hortegay wuxuu sheegay inuu hooyadii, Aabihii ito walaalkii ugu aarguday Khawaarijta, wilina wuxuu doonayaa inuu shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay falalka guracan ee aragaguxisadu ugu aargudo.

” Hadda waxaan filaa inaan u aaray, haddana inaan u sii aaraa rejeynaa, 2-sanno iyo wax la jiro ayaa ciidan ahay, waxaan u dhaartay ummadda Soomaaliyeed,”.

Bile,ayaa fariin u diray dhallinyarada asaagiisa ah in xilligan la joogo waqtigii qof kasta ka aargudan lahaa Khawaarijta Al-shabaab.

XIGASHO SONNA