Khawaariijta oo deegaanka Cowsweyne ee Galgaduud ku dishay dad Shacab ah oo iska diiday dhaqamadooda gurracan

Degaannnada Galmudug waxaa ka soconayo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgallada dalka looga saaray kooxda khawaarijta,iyadoo degaannada qaar ay isaga baxeen khawaarijta kadib markii ay ka war heleen ciidamada xoogga iyo kuwa degaanka oo ku wajahan degaannada fara ku tirska ah ee khawaarijtu kaga sugan tahay Galmudug.

Dhanka kale, waraka laga helayo degaanka Coosweyne ee hoos taga degmada Ceeldheere iyo degaannada u dhow in ay dadka Shacabka ah ay ku amreen in maanta oo Axad ah ay isku soo baxaan si looga dhigo in ay tageer sanyihiin khawaarijta, si odayaasha degaanka ay ugu qeybiyaan Hub kadibna ay isku sawiraan, waxaana dadka degaanka oo ka horyimid arrintaa ay khawaarijtu dil u geysteen qof Dumar ah halka mid kalana ay dhaawaceen.

Khawaarijta oo ka war haya Gulufka colaadeed ee ku soo wajahan ayaa dadka shacabka ee ku nool degannada ay ku sugan yihiin ku amrayo in ay dagaalamaan balse shacabka oo ku baraarugsan dhagarta kooxda ayaa iska diiday in caruurtooda iyo iyaga laftooda ay ka bar-bar dagaalamaan khawaarijta.

Caasimadda Galmudug waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xubnno katirsan Golaha wasiirada iyo sarakiisha Ciidamada kuwaa oo halkaa u joogo abaabulka iyo dar-dargalint howlgallada khawaarijta looga saaray degaannada fara ku tiriska ah ee khawaarijta kaga sugan tahay Galmudug.