Hanjabaaddii Galbeedka Afrika oo maanta ku eg iyo Hawada Niger oo la xiray

Hogaamiyayaasha afgambiyay Niger ayaa xiray hawada dalkaasi kadib markii ay diideen in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.

Amarka lagu xirayo hawada dalkaasi  ayaa soo baxay xilli maanta ay ku eg tahay waqtigii kama dambeysta ee madaxda Galbeedka Afrika ay u qabteen in hoggaamiyaasha ciidanka Miger ay soo celiyaan madaxweynaha iyo dastuurka dalkaasi ee la laalay.

Afhayeenka Golaha Qaranka Amadou Abdramane oo hadal qoraal ah ka jeediyay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo horudhac ah oo la geeyay laba dal oo Afrikada dhexe ah, kuwaas oo isku diyaarinaya faragelin, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Faransiiska ayaa riixaya dalalka ku bohoobay dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ECOWAS, si wax uga qabtaan afgambiga military ee Niger

Afgambigii ka dhacay dalka Niger 26-kii July ayaa noqonaya kii toddobaad ee ka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika muddo saddex sano ah,xilli dagaal lagula jiro kooxaha hubaysan ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS).