Wasiirka Amniga koofur galbeed oo la kulmay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir Mohamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada Baraawe ayaa kulan looga hadlayey Xaalada Amniga Degmada la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amaanka, Booliska, Nabad-sugida, Xoogga Dalka, Booliska gaarka ah ee KG iyo ATMIS.

Wasiirka Amniga koofur galbeed Mudane, Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga Magaalaada.