TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 49-AAD)

Maana waxay ka soo kacday sariirteedii ay sidii qof

hurda isku nabaysey inta qorraxdu ka qaboobayso. Waxay damacday in ay bersadda kala soo baxdo saabuun ay ku qubaysato.

Markay irridkii ku dhawaatay baa waxaa ka hor yimid murankii gudaha ka socday. Erayadii kululaa ee aabbeheed iyo hooyadeed isku tuurtuurayeen. Intii hore hoos bay u hadlayeen. Waxay ku dadaalayeen in aan hadalkoodu  bannaanka  u  bixin,  carruurtuna

dareemin. Hase yeeshee, markii la isku xanaaqay buu codkoodii xarga goostay, carruurtii bannaanka joogtayna la illaaway. Ceeb baa dhacday. Sirtii baa fakatay. Erayadii oo kankoonsan baa Maana-Faay maqalkeeda ku soo dhacay. Intay dib u joogsatay bay dhagaha taagtay. “Wax idinka soo dhammeesateen ma ii keeni kartiin.

Maana-Faay igaarkaas ma lagu daraayo. Minankaasna ma la geehaayo. Walaalkaada naagtiisa hanuunay af dheer tahay. Af xaartaas geberteey ma loo geehaayo. Belaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteey ma eh. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow.”

Maana-Faay intay kud isku tiri bay laabta gacanta saartay, sidii iyadoo sacabka ku celinaysa wadnaheeda boodboodkii laba jibbaaray, ee xabadkeeda haraatida ku waalay.

Intay dib u yare noqotay bay jikada is-dhex taagtay, si aan dhageysigeeda loo dareemin. Halkeedii bay dhegaha ka raaricisay. Aad bay u danaynaysay in ay warkaas dhegeysato. Erayada la is weydaarsanayo caddaan u wada maqli meyn, laakiinse, arrinta lagu murmaayo way fahamtay. Way garatay waxa la isku hayaa inay yihiin “Maana-Faay, adeerkeeda igaarkiisaa loo aroosihaa,” iyo “Abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa!”

Anlee ma i warsadiinoo khaftii rabo. Ar dadkaanaa! Iika leeba madaxooda ka adeegahaayo. Khaf joogto

aaba madaxeeda lagu murmaa anigaa bixi haaya iyo anaa bixi haaya, iidna wax ma la warsahaayo. Waxaaseeto xaq miyaa? Waa u sheegaa. Wixii rabaan ha dheheen. Haddaan u galaa. Igaarkoo Axmed la dhahaayo aan rabaa aan dhahaa. Uslee jecelahay. Koo kale oo aroosaayana ma leh, idinka lee is-noojiheeysiin maahine.

Yac! Ma dhihi karo. Ma dhihi karo. An maa qaddarkeeyga dhan yahay?

Way isku naxday, markii fikraddaasi ku soo dhacday ka dib. Waxay is-moodsiisay in waalidku maqleen wixii ay iskula hadlaysey. Yaa siiyey dhiirranaantaa ay Xaaji Muumin ugala soo horjeesanayso doodad noocaas ah? Dhibaatooyinka ay beryahaan hurdo hunguri iyo hadalba uga go’day waxaa ugu daran haadaanta u dhexeysa iyada iyo waalidka, waxa uurkeeda gubaaya oo ayan u sheegan karin labadii qof ee iyada dad ugu jeclaa.

Shaki la’aan aabbe iyo hooyo waxba ka hagran mayaan sidii ay gabadhooda ugu soo celin lahaayeen farxaddeedii iyo fayoobiddii nafsaddeeda; laakinse ayaandarro, ma fahmi karaan meesha daawadeedu ku jirto, haddii ay u sheegtana faham la’aan uun baa uga sii kordhaysa. Ma Xaaji Muumin iyo Ay-Caddeey baa laga dhaadhicin karaa gabadhiinnu wiilkii la siiyey ma rabtee, mid kalay magaalada ka soo jeclaatay, isagayna rabtaa; isla markaana qof hallowday ma

aha, gabarnimadeedii iyo sharafkeediina waxba iskama dhimin? Iihi! Taasi waa qorraxdii oo galbeed ka soo baxday!

Maana-Faay waxay dareemaysay culays tankeeda ka weyn, cid ay la kaashatana garan mayn; dhinac waxaa uga huraya holacii jacaylka, dhinac waxaa ka haysta haaraankii waalidka, dhan waxaa uur-ku- taallo ku noqday arooska Abuukar ee loo abaabulayo, dhinac kalena waxaa hor yiil hawlihii dugsiga.

Hortii waxay ahaataba, hadda xaalkii wuxuu marayaa meel halis ah. Arooskii waa la soo dadajiyey, oo waxaa lagu qorsheeyey bishaan caddideeda, Jimcada soo socota, inkastoo habartii giiratay ee arrin cusub la timid, waxay dib ka fashaba. Fadhi dambe ma yaal. Waa inay wax uun samaysaa, si ay aayaheeda u badbaadiso. Iskuma filla, ismana badbaadin karto. Sidee yeeshaa? Waa inay heshaa cid ay u qayla geysato.

Yay u irkataa? Yaa u ciirsi ah? Hooyo qoorta isaga duub, qisadana daaha uga wada qaad. iyadaa qalbi jilicsane. Wax ha kula qabatee. Maya. Maya. Waxay dhaheesaa Jiilaani Xaaji Macow aan kugu daraa! Axmed Jaamac la socodsii, uslee xilka ku wareeji. Qarqaris waa dhammaaday.

Maxaa jira? Maxaa looga qarqarinaa? Maya. Maya. Xaalka waa sii xumaahaa. ‘Dhibaato ma ka bixi karnee, waalidkaada warkooda yeel,’ haddiis dhaho mashaqo maahinoo? Iga dhaaf balaayada. Us runta u sheeg maxaa jira, Iikarka naftirkiisa, wax dhe, aboo an ma ku rabo. Ha igu

ajarmin adina ha is-ajarin. Laakiin iga dhaaf kaas foolkiis ma joogsahaayo. Fool daanyeerkaas!

Haah! Leyla. Walaasheyda Leyla aan dhahaa wax ila khabo, haddii walaasheyda aad tihid.

Leyla waa qofta keliya ee ay sirta ku qarsato. Xagga da’da, xagga aqoonta iyo xagga bulsho-la- dhaqankaba way isaga dhow yihiin. Aad bay isu jecel yihiin, inkastoo markii ay gabdhaha wada ahaayeen ay is-ximin jireen, hawsha guriga isku dhabiili jireen, mar marka qaarkoodna caytan iyo dagaal dhex mari jirey ee habartu kala canaanan jirtey, laakiin, markii Leyla guursatay kalgacalkoodii wuu kordhay, siiba intii ay shaqada heshay ee ay noqotay kaaliye-takhtar, markaasoo ay bilowday in ay walaasheeda ka yar xil gaar ah iska saarto.

Ninkeeda Ciise-Dheere qudhiisu aad buu u soo dhaweeyaa, una xushmeeyaa dumaashidii Maana- Faay. Waa nin dhallinyaro ah oo maskax furan. Isaga iyo Leyla aad bay isu jecel yihiin. Maana- Faayna marka ay booqasho ugu tagto, waxay ka soo heshaa farxad badan.

Qosol, kaftan iyo ciyaar baa waqtiga loogu dhammeeyaa. Cunuggooda Burhaan, Maana-Faay baa magaca u bixisay. Guriga markay tagto, salaanteeda waxay ku bilowdaa, inay Burhaan kor u qaaddo ee koolkooliso, dhabannadane ka dhunkato.

Beryahan dambe intii mushkiladdu soo foodsaartay, Maana-Faay way laba jibbaartay booqashadeedii ay ku imaan jirtey guriga walaasheed. Waxaa ka hor yimid jawigii gurigooda.

Markay ku cabburtaba waxay ku oroddaa guriga Leyla. Habeenkii ay Axmed ballansan yihiin, badanaaba iyaday ku marmarsootaa. Markay ku soo daahdana iyaday soo martaa, si ay u waddo, waalidkana ugu warranto in ay iyada la jirtey.

Leyla waqti aan dheerayn bay baratay Injineer Axmed Jaamac, isaga iyo Maana-Faayna isku ogaatay. Ciise-Dheere ayaa is-baray, arrintana la socodsiiyey, isagoo fulinaya codsi Axmed u soo jeediyey.

Axmed barashada Leyla wuxuu uga dan lahaa inay garab siiso isaga iyo Maana. Markii hore aad bay walaasheed u canaanatay, uguna cambaaraysay sida ay uga suurtowday inay ninkaas la saaxiibto, iyadoo og in la siiyey ina adeerkeed, arooskoodiina dhow yahay.

Hase yeeshee, markii Maana-Faay si kulul u oyday, una dan sheegatay, walaasheed Leyla way u garowday. Waxay garaysatay astaamaha jacaylka ee ay ku aragtay, horena uga shakiday iyo qisada ay la socodsiisay, oo ah arrintu in ayan ahayn qorshe ay iyadu ku talo gashay ninkaan la saaxiib, balse ay is-aragtay nafsaddeedii oo xaggiisa u sii jiidanaysa, kana goyn kari wayday.

Leyla ma aha sida waalidkeed, ee way qaddarinaysaa xaaladda walaasheed, maxaa yeelay, way fahmaysaa jacaylka iyo dabeecaddiisa

la yaabka leh ee aan cidna lagu eedi karin. Iyada qudheeda ayuu hore u soo jilciyey, xanuun badanna ka soo martay; hase yeeshee, dhibaatadiisii hore waxay ku illowday guushii dambe ee ay ka gaartay in ay guursato jacaylkeedii Ciise-Dheere.

Maana-Faay, galabtaas ay maqashay murankii ka dhex taagnaa aabbaheed iyo hooyadeed, subaxdeediiba waxay hore ka aadday walaasheed Leyla. Waxay u sheegtay sidii ay wax u maqashay, ka dibna waxay iyadoo ooyaysa ka bariday inay gacan ku siiso badbaadinta aayaheeda.

Waxay waydiisatay inay waalidka iyadu runta u sheegto, sida wax u jiraan oo dhanna la socodsiiso, kulana dooddo in aan walaasheed la khasbine loo daayo ninka ay nafteedu jeclaysatay, ee ay u dhimanayso. Leyla way la murugootay walaasheed, wayna ka ballanqaadday inay la guntanayso, intii tabarteeda ah.

Aay-Caddeey waa tii odaygeeda ka xanaaqdaye, inan yar ka fududaatay, aqalkeeda tuurtuurtay, ilmeheeda ku qaylisay, armaajadeeda huruuftay; ka dibna shukadeeda dhegta qabsataye jaranjarta halhaleel uga degatay. Jidkay laba ka dhigtay. Jeesjeesad ma jiro.

Dhowr qof baa salaan ula tannaagootay. Dheg uma jalaq-siin. Luuqyadii Xamar Weynoo ay luga jiidka ku mari jirtey bay badankooda daqiiqado yar uga dhex dustay. Goormaa ugu dambeysay saan-fudaydka noocaan ah? Waayo-waayo!