Waxaan baarnay numberka looransi hoor iyo qolyihii soo wici jiray, waxaana helnay tiro wada hadallo ah oo socday 1992-dii illaa 93-dii, dadkii ay wada hadaladaasi dhex mareen intooda badanina waxay ku sugnaayeen loos anjaloos, ayuu yir sargaal ka tirsan FPI-DU.
Wuxuu intaa ku daray “su’aalo ayaan weydiinay eedaysaneyaasha waxaana ogaanay in maleegidda falku aanu guriga looransi hoor ka fogayn, telefoonadaasina waxay si toos ah ula xariiri jireen jeemis baari oo ku sugnaa dhitoray”.
Sidoo kale waxaa jiray wicitaanno badan oo sanadkaasoo dhan si xariir ah u dhacayay, kana socday bariga dhitoray halkaasoo uu ku noolaa jeemis baari, waxayna intooda badani ka imaanayeen guriga lowranci hoor oo ku yaalla aagga hooli wuudka.
Waxaan qayaasnay inuu ka dalbanayay wixii ka Dhiman qarashka howlgalka, hoorna uu sugayay dhaxalka wiilkiisa oo wax uu doonayay inuu marka hore dilku dhaco, hayeeshee markii aanu baaritaanka bilownay waxaan helnay in lacagtii faldambiyeedka fulintiisa loogu talo-galay siyaabo Kala duwan loo bixiyay.
Baareyaashu waxay dedaal dheer u galeen sidii ay ku ogaan lahaayeen dhinacyada wada hadaladaasi dhex mareen, numberada ay adeegsadeen, iyo xilliyada gaarka ah ee ay wada xariiri jireen, balse xog quman ma aanay helin quustuna isha baarkeeda ayay u jirtay maadaama ay culaysyo badan Kala kulmeen daba-galka, dambiilayaashuna ay raad walba oo lagu aqoonsan karo qariyeen.
Sargaal kale oo baareyaasha kamid ahaa ayaa yiri”Arrintu way inagu adkaatay, wuxuu ahaa faldambiyeed naxdin leh dhammaan xogaha ku gadaamanina si degdeg ah ayay isku badbadalayeen, baaritaankuna abbaar sugan ma aanu helin, illaa haddana waxaan ku dadaalaynaa inaanu howgalka natiijo ka wax ku ool ah ka gaadhno”.
Witanboog iyo saaxiibkiis waxay ku raadjoogeen dhaqdhaqaaqa eedaysaneyaasha, waxayna ogaadeen ku luglahaanta jeemis baari ee kiiska, waxayna ku sameeyeen baaritaan saacado badan qaatay.
Booliska iyo fpi-du waxay isku raaceen inay baaritaanka ninkaa sii wadaan muddo bilo ah.
Waxaan ogaanay inuu jeemis baari qof gaar ah si joogto ah ula sheegaysan jiray, si aan wax walba u ogaanona waxaan diiwaangalinay xittaa taargada gaarigiisa, qofka uu badanaa la xariiri jirayna wuxuu ahaa nin lagu magacaabo toomas teernay.
Baaritaan ka dib waxaa caddaatay inuu teerna oo 52 jir ahaa uu ahaa wade gawaarida xamuulka qaada lowransi hoor aad ugu dhaw, sidoo wuxuu saaxiibnimo naf qaysi ah lalahaa jeemis baari, xabsiga ayayna mar ku wada xirnaan ireen.
Ogaanshada xogta gaarka ah ee teerna waxay muhiimad gaar ah ulahayd baaritaanka .
Baareyaashu waxay rajaynayeen inay helaan silsilada wada hadalada ihi sidii ay ku bilaabatay iyo dhammaan eedayneyaasha.
Witanboog iyo saaxiibkiis waxay ku dhaqaaqeen baaritaan qoto-dheer, waxayna waraysteen baari ayagoo ka raadinaya xog la xariirta teerna.
Baareyaashu hadalka kuma dheerayn jeemis baari, laakiin wuxuu qirtay inuu xilliga faldambiyeedku dhacay ku sugnaa meeriland, balse uu shaqo halkaa u joogay, dambina aanu galin.
Bishii September baaritaan qoto-dheer oo ay ku sameeyeen wicitaanada lowransi hoor waxay Ku ogaadeen inuu jiro nin lagu magacaabo rooj oo kiiska si weyn ugu luglahaa.
Waxaan rajaynaynay inaan diiwaangelinno wada hadal qarsoodi ah oo dhex maray jeemis baari iyo lowransi, waxaana doonaynay inaan ogaano inuu ka dalbanayo haraaga qarashkii uu faldambiyeedka ku fulin lahaa ama intii hore ee la siiyay aanay ku filnaan wayday.
Waxaad ii balanqaaday intaas, waxaana kaa hayaa intaas oo keliya, sidaa darteed waxaan kaa doonayaa intii kale, dabcan xogta caynka ihi ujeedada baaritaanka qeyb ahaan way ku filantahay.
Hoor iyo baari waxay ahaayeen—-, hal arrin oo intaa ku saabsanna wada hadalkooga waa laga waayay.
Bartamihii bishii November xilli uu baaritaanku si xoog leh u socday, waxaa joogsaday wada sheegaysigoodii telefoonka.
Baaritaanka fpi-da ee faldambiyeedkani wuxuu baariyaasha ku qasbay inay wax kasta oo dadaala sameeyaan si ay kiiska uga gun-gaaraan gaar ahaan waxa ka dhexeeyay hoor oo ku sugnayd loos anjaloos, iyo jeemis baari oo dhitoray ku noolaa.
Dabcan saraakiisha fpi-du waxay ogaayeen inay labadaa nin arrin gaar ah ka wada hadlayeen, balse ma aanay helin xog dhammaystiran oo ku saabsan waxa ay ka wada hadlayeen.
Ma waxay adeegsanayeen saaxiibkii jeemis ee xabsiga toomas teerna , fpi-du waxay heshay magaca uu Ku diiwaan-gashaysanyahay numberka toomas teerna
Tillaabadaasi waxay ahayd mid wax ku ool ah oo ku saabsan siyaabihii ay u wada hadli jireen hoor iyo jeemis baari, iyo kaalintii uu toomas ku lahaa wada hadalkooda.
Teerna wuxuu udub-dhexaad u ahaa wada hadalka labada nin oo farriimaha ayuu u kala gudbin jiray, balse dhammaantooe waxay u wada xariiri jireen qaab qarsoodi ah oo aan wax xog ah laga ogaan karin.
Dhinaca kale waxay joogteeyeen la socadka habdhaqanka lowransi hoor, si ay u helaan astaamo muujinaya inay dhagar qabto tahay, sidoo kale waxay baaritaan ku sameeyeen boqolaal wicitaan oo ay telefoonkeeda ku arkeen
“Waxaan xaqiijin karaa in booliska loos anjaloos waxay daba-galka qoto-dheer ku sameeyeen lowransi hoor, sidoo kuwa dhitorayna ay jeemis baari iyo toomas teerna baaritaan 24-ka saac ee maalin walba ah k ku hayeen” ayuu yiri sargaal sare oo FPI-DA u hadlay.
Fpi-du waxay ku guulaysteen hellidda xogta boqolaal wicitaan, balse kuwo kale oo aan waxba laga ogayn ayaa jiray, wada hadalka baari iyo hoor ayaana baaritaanka aad u adkeeyay.
Bilo yar ka dib fpi-du waxay gaartay ujeedadii baaritaanka haddaba maxay heleen? La soco qeybta xegta.
WQ: Abwaan Hareeri