Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne, sida uu caddeynayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana jira in seddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh iyadoo ay jiraan kuwa baxsad ka ah sharciga oo ku jira liiska la doon doonayo.

Haddaba iyadoo ay jiraan Olole ka dhan ah la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku booriyay shaqsiyaadka wajahaya Eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.”Ha cararin haddii aadan tuug aheyn oo aadan waxba xadin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh. “Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddeyso inaadan wax dambi ah laheyn maaha dembi”, ayuu sii raaciyay hadalkaasi oo ka jeediyay Masjidka Shuhadada Jimcihii la soo dhaafay.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta la dagaalanka musuq-maasuqa, isagoo ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka inay wajahaan dacwado sharci ah, halkii ay ka carari lahaayeen, wuxuu u diray fariin adag oo ku saabsan sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka musuqa maasuqa iyo horumarinta cadaaladda, maadaama ay Dowladdu waddo dadaallo ay ku dooneyso in la helo isla xisaabtan daahfuran si loo abuuro kalsooni ay shacabku ku qaban hey’addaha dowladda iyo cadaaladda, Maadaama Soomaaliya ay ku sii socoto waddadii ay ku gaari laheyd xasilloonida iyo horumarka, taasi oo door muhiim ah ka ciyaari doonta qaabeynta mustaqbalka dalka.

Madaxweyne ayaa xusay in ay muhiimad gaar ah leedahay in laga wada shaqeyo sidii loo soo afjari lahaa Musuqa maasuqa, isagoo si gaar ah ugu baaqay Culima’udiinka in ay door firfricoon ka qaataan wacyigalinta bulshada ee ka dhanka ah musuq maasuqa, wuxuuna dhammaan muwaadiniinta ku booriyay in ay ka qaataan kaalintooda dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqmaasuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023-ka dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada Ajaaniibta oo ka mid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyay isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, kaasi oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyay, taasi oo muujineysa dadaalka dowladdu ugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay, taasi oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaasi adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023-ka.

Tusaale:- Bishii January ee sanadkan waxaa uu xafiiska Fiise kordhinta uu qabtay lacag dhan $423kun 950, halka fasaxa shaqada Ajaaniibta iyana laga qabtay isla bishaasi lacag dhan $036kun iyo 500.

Bisha Kordhinta Fiisaha.

January $423,950.00.

February $375,530.00.

March $268,840.

April. $231,460.

May $361,470.

June $480,550.

halka Dakhliga ka soo xarooda Fasaxa Shaqaalaha Ajaaniibta uu ahaa sidan:-

Bisha Fasaxa shaqada

January $036,500

February $071,160

March $78,770

April. $219,290

March $386,060

June $340,730

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

La soco qeybta 4-aad