Noolaha kale ee aan dadka ahayn waxay iyagana leeyihiin xuquuq, waxaana xuquuqdaas ka mid ah kuwan soo socda.
- In la waraabiyo oo cunto la siiyo haddii ay oomaan ama ay gaajoodaan. Waayo nebiga waxa uu yiri (qofka aan naxariisan looma naxariisto.)
- In loo naxariisto oo loo beer nuglaado.
- In birta loogu raaxeeyo marka la gawracayo ama la maqaar bixinayo (in bir af badan lagu qalo)
- In aan la cadaabin ama la ciqaabin, nooca ay doontaba ha ahaatee. (in la gaajeeyo, la garaaco, la gubo, aad loo raro ama la sunto.
- In xaqqa ilaahey ee sekada ah laga bixiyo.
11) XAQA JIDKA AMA DHABBAHA.
Xaqqa uu ku leeyahay jidka qofka fariista waxaa ka mid ah
- in uu indhaha laabo oo aanu dadka eegeegin.
- In uu dhibka ka daayo dadka jidka maraaya, oo aanu caayin ama maalka ka xoogin.
- In uu slaanta ka qaado qofkasta oo salaama.
- In uu wanaagga faro,
- In uu xumaantana reeba.
- Waa in uu baadida bariiyaa oo yaboohiyaa.
12) XAQA WAALIDK
Waxaa ku waajib ah waalidiinta iyo macalimiinta iyo barbaariye kastaba in uu baro oo uu ku barbaariyo ilmaha inta ay yaryar yihiin ilaa ay qaataa oo ay ku dhaqmaan.
- Waa in uu hadalkooda maqlaa.
- Waa in markii ay istaagaan uu la istaagaa.
- Waa in uu kaalintooda buuxiyaa.
- Waa in aanu hor soconin.
- Waa in hadalkiisa aanu hadalkooda ka kor marin.
- Waa in aanu ka daba hadlin.
- Waa in uu ajiibaa markii loo yeero, oo uusan ka dhaga adaygin.
- Waa in uu ku dadaalaa wixii raali gelinaya.
- Waa in uu garbaha u raariciyaa.
- Waa in aanu ugu abaal sheegan wanaagga uu u sameeyey iyo amarkooda oo uu adeecay.
- Waa in aanu indhaha ku gubin oo aanu wejigiisa wejigooda u dhameyn.
- Waa in aanu amar la’aantoda safrin.
QIIMAHA AY LEEDAHAY BAARINIMADA WAALIDKA
- Raalinimadooda waa raalinimada ilaahey.
- Caradoodana waa carada ilaahey. (ama ka careysiintoodu waa ka careysiinta ilaahey.
- U baari noqoshadoodu waxaa laga hor mariyey jihaadka dar ilaahey.
- (Ninii nebiga u yimid eek u yiri, nebi allow aan jihaado, nebiguna uu ku yiri ma leedahay waalid, haa buu ku yiri, iyaga ku jahaad.
- Qiimeynta dadka ay saaxiibada la ahaayeen.
- Ka hor marinta baarinimada hooyada baarinimadda aabaha.
- XAQA CARRUURTA
- In lagula hadlo si dabacsam oo asluub leh.
- Inuu u soo hinqado haddii ay u soo galaan.
- Inuu gacanta ka dhuunkado subaxa iyo galabta iyo munaasibadaha
- Ilalinta sumacadooda, sharaftooda iyo maalkoodaba.
- Ixtiraamidooda iyo siinta waxa ay u baahdaan ee ay weydiistaan
- Kala tashigooda arimaha iyo hawlaha oo dhan.
- U duceynta iyo u dembi dhaaf dalabkooda oo uu badiyo
- Haddii uu qof marti ah la joogo inuu fariisto meel ka durugsan oo ay ka arkayaan, waxaa laga yaabaa inay adeeg degdeg ah uga baahdaan.
- Inuu sameeyo waxa farxad gelinaya labada waalid iyaga oo aan amrin.
- Inuu codkiisa codkooda ka kor marina ma agtooda uusan ku qaylin.
- Waa in aanu hadalka ka kala goyn iyaga oohadlaya.
- Iyaga oo an u idmin in uu guriga ka bixin.
- In aanu ka nixin haddii ay hurdaan.
- Waa in aan laga qiimeyn ilmaha iyo aradda.
- Waa in aan lagu qaylin oo aan la dhaleeceyn, haddii ay sameeyaan wax aadan ku farxin.
- Waa in aadan ku qoslin meesha ay fadhiyaan, haddii aanu ahayn qosolka mid ay iyagu sababeen. Oo rabaan.
- Waa in aadan cunin marka aad xeero la wadaageyso, cuntada xagooda jirta.
- Waa in aadan cuntada marka la soo dhigo aadan hortooda bilaabin.
- Waa in aadan hurdin ama aadan seexan iyaga oo fadhiya, inaykuu ogolaadaan mooyee.
- Waa in aadan lugaha hortooda ku fidsan.
- Waa in aadan guriga hortood gelin ama aadan horsocod marka ay socdaan.
- Waa inuu u jawaabaa markiiba marka ay u yeeraan.
- In la ixtiraamo asaxaabtooda iyaga oo nool ama marka ay dhintaan ka dib.
- Waa in aanu la saaxiibin qof aan waalidkiisa baari u ahayn.
Waa inuu yiraahdaa ilaahow sidii ay ii soo koriyeen ugu naxariiso.
Waxaa diyaariyey
Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)